Sign in to follow this  
Deeq A.

KENYA Oo Facebook Ugu Hanjabtay Inay Dalkeeda Ka Mamnuuceyso

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Hay’adda ilaalisa is-dhexgalka qowmiyadaha Kenya ayaa u qabatay shirkadda maamusha Facebook ee Meta muddo toddobo maalmood ah inay wax ka qabato waxa ay ugu yeedhay hadallada nacaybka iyo kicinta ee la xidhiidha doorashada bisha soo socota, haddii kale laga mamnuucayo dalka Kenya.

Dalka ugu dhaqaalaha weyn Bariga Afrika ayaa ku jira ololihiisa doorashada kahor doorashooyinka madaxtinimo, sharci-dejinta iyo dowladaha hoose ee 9-ka Augusto.

Kooxda u doodda xuquuqda aadanaha ee Global Witness ayaa warbixin ay soo saartay Khamiistii ku sheegtay in Facebook ay aqbashay oo ay tallaabo ka qaadday in ka badan 12 xayaysiis siyaasadeed oo kahor imaanaya shuruucda Kenya.

Guddiga qaran ee isku dhafka iyo isdhexgalka ee Kenya (NCIC) ayaa sheegay in warbixintu ay xaqiijineyso natiijooyinkeeda gudaha.

“Facebook-gu waxa uu ku xad-gudbay shuruucda dalkeenna. Waxa ay isu oggolaadeen in ay noqdaan kuwa horseeda hadallada nacaybka iyo kicinta, war-xumada iyo wal-walgelinta,” ayuu yidhi Danvas Makori, oo ah guddoomiyaha NCIC.

“Shirkadda Meta ee Facebook waxa ay qaaday “tallaabooyin ballaadhan” si ay meesha uga saarto hadallada naceybka ah iyo waxyaabaha xanafta leh, waxayna sii xoojinaysaa dadaalladaas kahor doorashada” ayuu afhayeen u hadlay shirkadda u sheegay Reuters.

“Waxaan leenahay kooxo u heellan dadka ku hadla Sawaaxiliga iyo tignoolajiyad ogaaneysa si ay nooga caawiyaan in si deg deg oo ballaadhan looga saaro waxyaabaha waxyeelada leh,” ayuu yidhi afhayeenku.

Taageerayaasha musharixiinta caanka ah ee madaxweynaha, hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga iyo madaxweyne ku xigeenka William Ruto, ayaa baraha bulshada u isticmaalaya inay ku ammaanaan musharraxiintooda, kana dhaadhiciyaan dadka kale inay ku soo biiraan, ama ay ku eedeeyeen dhinacyada ka soo horjeeda dambiyo kala duwan.

Reuters.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this