Sign in to follow this  
Deeq A.

Afhayeenka Al-Shabaab Abuu Muscab Oo Soo Hadlay Xilli Ay Itoobiya Sheegtay In La Dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Afhayeenka ciidammada Al-Shabaab Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanto Aato ee gobolka Bakool ee dhexmaray dagaalyahanada kooxdaas iyo ciidammada Liyuu Booliska ee gobolka Soomaalida Itoobiya. 

Abu Muscab ayaa sheegay inay dagaalka xuduudda ku dileen 150 askari oo ka mid ah Liyuu Boolis.

“Khasaaraha dhimashada wuxuu gaadhay 150 askari oo ka tirsan Liyuu Boolis. Meydadka 103 ka mid ah ayaa isbarkan deegaanka Aato,” ayuu yidhi Abu Muscab.

Abu Muscab ayaa sidoo kale sheegtay inay dagaalka ku qabteen maxaabiis, ayna gacanta ku dhigeen saanado hub ah.

Dhinaca kale, warbaahinta kooxda Al-Shabaab ay soo bandhigay sawirrada meydad ay sheegeen inay yihiin Liyuu Boolis, inkasta oo aan la xaqiijin karin sax ahaanshaha sawirrada iyo cidda ay yihiin meydadka lasoo bandhigay.

Maamulka Gobolka Soomaalida ayaan weli ka hadlin dagaalka. Balse Jeneraal u hadlay ciidamada federaalka Itoobiya Tesfaye Ayalew ayaa sheegtay inay fashiliyeen weerarka Al-Shabaab, islamarkaana ay dileen 150 ka mid ah dagaalyahanada kooxda.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay burburiyeen sahay hub ay wateen.

Tesfaye Ayalew ayaa sheegtay in dadka ay dileen ay ku jiraan saraakiil sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ay ka mid yihiin Abu Muscab, Fu’aad Shongole iyo Cubeyda Nuur Ciise.

Si kastaba, hadalka Abu Muscab ayaa warbaahinta Al-Shabaab lasoo dhigay saacado kadib sheegashada Itoobiya ee dilkiisa, balse si dhab ah looma oga xilliga la duubay codka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this