Deeq A. Posted July 30, 2022 Liiska tobanka ciidan ee ugu awooda badan qaarada afrika waxaa ku jira ciidamada lix dal oo carbeed, oo uu hogaaminayo ciidanka masar, kaas oo kaalinta koowaad galay, waxaa ku xigay ciidamada Algeria oo galay kaalinta labaad, Halka ciidanka Marooko ay ku jiraan kaalinta shanaad, ka dibna ciidamada Liibiya aya ku jira kalinta sideedaad ee Afrika, dalalka Tunisia iyo suudaan ayaa buuxiyay kaamaha sagaalaad iyo kaalinta tobnaad ee kala sareynta awoodaha ciidamada afrika. Sida laga soo xigtay xogta laga soo xigtay website-ka Global fire Power, oo ku takhasusay arrimaha militariga iyo kala soocida ciidamada adduunka oo dhan, ciidanka Masar, oo hogaaminaya liiska ciidamada ugu awooda badan ee Afrika iyo Carabta, ayaa kaalinta 13aad ka galay adduunka. 1 Ciidanka Masar Ciidanka Masar waxay gaareen horumar la taaban karo oo ku aadan hawlgalada hubka iyo awoodaha tikniyoolajiyadda casriga ah, kadib afganbigii juun 30, 2013kii iyadoo dalka uu saxeexay heshiisyo militari oo horumarsan oo aan horay loo arag. Tira ahaan, xoogga ciidamada qalabka sida ee Masar waa ilaa 930,000 oo askari 450,000 oo kamid ah ay diyaar ku yihiin xeryaha ciiramada halka 480,000 yihiin ciidmaada keydka Marka loo eego warbixinta wargeyska, miisaaniyadda difaaca ee masar waxay gaareysaa toban bilyan oo doolarka Mareykanka ah. Ciidanka Masar waxay leeyihiin 1,053 diyaarado dagaal oo kala duwan oo 250 diyaaradood kuwa dagaalka ah ay ku jiraan, 59 diyaarad xamuul oo milatari ah, 341 diyaarad oo tababarada ciidamada, 11 diyaaradood oo gaar ah, iyo 304 helikobtar milatari, oo 91 kamida ah ayihiin helikobtarada weerarka, Masar waxay leedahay 83 garoon diyaaradeed milltary. Dhanka Taangiyada, ciidamada Masar waxay leeyihiin 3,735 taangi, 11,000 oo gawaarida gaashaaman ah, 1,165 madafiicda dhaqdhaqaaqa ah, iyo in ka badan 2,200 oo madafiicda goobta ah, marka lagu daro 1,235 gadiidka laga ganao gantaalaha . Ciidanka Badda ee Masar waxa ay leyiihiin 316 gadiidka badda oo kala duwan. Masar waxay leedahay laba marakiibta xambaara diyaaradaha oo lagu kala magacaabo Anwar Sadat iyo jamal Abdel Nasser. 2-Ciidanka Aljeeriya. Kaalinta labaad ee Afrika waxaa soo galay ciidanka Algeria -oo kaalinta 27aad kaga jira adduunka- oo leh awood dhan 280,000 oo askari (130ku diyaarsab xeryaha miltry iyo 150,000 keyd). Miisaaniyadda difaaca – sida ku cad isla webseytkan0 – waxaa lagu qiyaasaa qiyaastii 13 bilyan oo doolar. Ciidamada Algeria waxay leeyihiin 551 diyaaradood oo kala duwan 102 kamid ah ay yihiin kiwa dagaalka 22 diyaaradood oo kuwa weerarka ah, 60 diyaaradood oo xamuul ah, 87 diyaarado tababar ah, sagaal diyaaradood oo kuwa qaaska ah, 268 helikobtarro militari. Heerka taangiyada, ciidanka Aljeeriya waxay heystaan 2,024 taangi, 7,000 oo gawaarida gaashaaman ah, 324 madafiicda dhaqdhaqqada 396 madaafiicda goobta ah iyo 300 oo ah gaawarida laga tuuro madaafiicda. Sido kale oo uu leeyahay 201gaadiidka badda ah oo kala nooc ah. 3-ciidanka koonfur afrika:- Kaalinta seddexaad ee Afrika, iyo tan 32 adduunka, waxaa soo gala ciidanka Koonfur Afrika, oo leh awood 81,500 oo askari 66 kun oo askari oo shaqada ciidamada ,yo 1500 keyd ah. Ciidanka Koonfur Afrika waxay leeyihiin 221 diyaaradood oo noocyo kala duwan leh (17 diyaaradood oo dagaal ah, 22 diyaaradood oo xamuul ah, 88 diyaaradood oo tababar ah, toddobo diyaaradood oo gaar ah, iyo 87 helikobtarro militari. 4-ciidanka nigeria. Kaalinta afaraad ee Afrika, waxaa soo galay ciidanka Nigeria – oo kaalinta 35-aad kaga jira adduunka – kaasoo leh awood dhan 120,000, Miisaaniyadeeda difaaca waxaa lagu qiyaasaa ilaa $ 2 bilyan. 5-Ciidanka Marooko Ciidanka Marooko waxa lagu tilmaamay ciidanka shanaad ee ugu awooda badan qaarada afrika, waxaayna gaarayaan 460,000 oo askari (310 kum oo kamid ah ay ku jiraan aajibaadkooda shaqo halka 150,000 oo keyd. Miisaaniyadda difaaca – sida ku xusan isla bogga GFP waxaa lagu qiyaasaa illaa lix bilyan oo doolar. Ciidanka Morocco – oo kaalinta 53aad kaga jira adduunka – waxay leeyihiin 1,053 diyaaradood oo kala duwan 250 diyaaradood oo kamid ay yihiin kuwa dagaalka, 88 diyaarado weerar ah, 59 diyaaradood oo xamuul milatari ah, 341 diyaaradood oo tababar ah, 11 diyaaradood oo khaas ah, iyo 304 oo helikobtarro milatariga. 6-Ciidanka Itoobiya Ciidmaada itoobiya ayaa kaalinta lixaad ka galay qaaradda Afrika, iyadoo ay tiradoodu ahayd 192,000 oo askari. Miisaaniyadda difaaca itoobiya, sida laga soo xigtay Global fire Powe, waxaa lagu qiyaasaa illaa $ 520 milyan. Ciidanka Itoobiya – oo kaalinta 60aad kaga jira adduunka – waxay leeyihiin 92 diyaaradood oo kala duwan oo oakooban 24 diyaaradood oo dagaal, sagaal diyaaradood oo xamuul millatari ah, 26 diyaaradood oo tababar ah, iyo 33 diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah. 7-Ciidanka Angola Ciidamada Angola waxay kujiraan kaalinta 7-aad ee lala horeynta xoogga ciidamada ee qaarada Afrika, waxayna gaarayaan 110,000 oo askari. Miisaaniyaddeeda difaaca waxaa lagu qiyaasaa in ka badan toddobo bilyan oo doolar, sida lagu sheegay tirakoob laga soo xigtay websaydhka Global Firepower, oo ku takhasusay qiimeynta ciidamada adduunka oo dhan. 8-Ciidanka Liibiya. Ciidanka Liibiya, waxay kujiraan kaalinta sideedaad ee Afrika. Libiya Waxay leedahay awood dhan 30,000 oo askari, miisaaniyadda difaaca dalkan waxaa lagu qiyaasaa $ 4.9 bilyan. Ciidanka Liibiya – oo kaalinta 70-aad kaga jira adduunka – waxay leeyihiin 118 diyaaradood oo kala duwan (20 diyaaradood oo dagaal ah, lix diyaaradood oo kuwa xamuulka qaada ah, 64 diyaaradood oo tababar ah, iyo 26 diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah. 9-Ciidanka tunisia. Ciidanka Tuniisiya waxay kujiraan kaalinta sagaalaad. Waxay leedahay awood dhan 36,000 oo askari. Global Fire Power waxay ku sheegtay miisaaniyadda difaaca Tunisia qiyaastii $ 810 milyan. 10- Ciidanka sudan Ciidamada Suudaan waxay kujiraan kaalinta tobnaad ee kala horeynta ciidamada Afrika, iyo kaalinta 77aad adduunka. Waxay leedahay awood 190,000 oo askari 105,000 oo ku diyaar ku ah xeryaha ciidmaada iyo 85,000 oo keyd ah. Miisaaniyaddeeda difaaca suudaan waxaa lagu qiyaasaa $ 4 bilyan. Dalalka Qaaradda Afrika waxaa soo foodsaaray caqabado sii kordhaya, iyadoo ay sare ukacayaan khataraha kala duwan ee ku wajahan qaarada taas oo lagama maarmaan ka dhigaysaa tayeynta iyo horumarinta awoodda milltari ee Ciidmaada milatari ee dadlalka xubnaha ka ah midawga africa. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites