Sign in to follow this  
Liqaye

Af-qalaad Aqoontu Miyaa?

Recommended Posts

Liqaye   

Dadka Soomaaliyeed ay afkoodii hooyo kadoor bidaan afaf qalaad?W.Q A.C.M. Khayre iyo M.C.Cibaar Hordhac Qormadan aan ku magacownay af-qalaad aqoonta miyaa?

 

 

Waxa kalifay in aan qorno, kadib markii aan aragnay xaaladda qatarta ah ee uu kusugan yahay afkeennii hooyo, kaasoo la dhihi karo waa xididka ugu muhiimsan ee maanta isku haya guud ahaan Soomaali weyn meel kasta oo ay joogto.

 

Maadaama arimihii kale ee umadda isku hayey ay dhibaatooyin ka taagan yihiin; sida calankii,dhaqankii, dhulkii iyo wada dhalashadiiba. Soomaaliya waxa ay nasiib u yeelatay in ay kamid noqoto saddexda wadan ee qaaradda Afrika looga hadlo halka luqad, iyada oo labada kalana ay yihiin Swaziland iyo Lesotho oo ah wadamo aad u yar yar. Bal akhristow u fiirso nimcada Ilaahey nasiiyey ee aan laga faa’iidaysanayn. Wadanka aan dariska nahay ee Itoobiya, waxaa looga hadlaa in kabadan 70 luqadood oo leh 200 oo lahjadood.

 

Hadaba qormadan haddii Alle idmo waxaan rabnaa in aan ku eegno su'aalo ay udub dhexaad u tahay: maxaa keenay dadka soomaaliyeed oo Ilaaheey nimcadaas ku galadaystay uuna siiyey hal af, in ay maanta kuwada xiriiraan luqado qalaad?

 

Quursiga iyo ku qanacsanaan la'aanta Af- Soomaaliga Haddii aad u fiirsatid inta badan Soomaalida qurbe-joogta ah, mar mar waxaad isweydiinaysaa goorma ayay qasab noqotay in lagu wada xiriiro afaf qalaad ; sida kala qorashada telefoonada, cinwaanada iyo wixii lamid ah.

 

Waxaa suurto gal ah in aan inteenna badan aragno laba qof oo soomaali ah oo ku xiiqsan ineey isku yeeriyaan lambar telefoon oo ka kooban toban lambar ama ka yar, maadaama labadooda midkood ay ku adagtahay luqadda wax leysugu yeerinayo, iyadoo lagaba yaabo in tobankaa lambar lagu kala sheego dhowr luqadood oo kala duwan sida ( oow, two, sei, acht …..iwm.).taasoo laga yaabo in waqti dheer uga dhumo,oo haddana waliba ay suurto gal tahay in wixii leysku yeerinayay qalad loo kala qorto.

 

Hadaba walaalayaal miyeysan ahayn wax lays weydiiyo, maxaa na geliyay dhibaato aan alle nabadin? Oo keenay inaan quursanno kuna qanci weyno afkeenna qaaliga ah.

 

Arinta kale oo aad layaabka u lehi waxa ay tahay, in qoraalada lagu soo bandhigayo bogagga ay Soomaalidu ku leeyihiin shabakadaha internetka badankoodu ay ku qoranyihiin luqadaha qalaad sida Ingiriisiga. Waa macquul in qoraaladda qaar loogu talo galay dad aan Soomaali ahayn. Waxase aan kahadlaynaa waa qoraallo aad arkaysid in loogu tala galay dadka Soomaaliyeed ,isla markaana lagu qorayo af ajnabi. Qormooyinkaas qaarkood malaha wax nuxur ah, waxaana intaa usii dheer dhaliil luqadeed.

 

Waxa kale oo jira in dhalinyarada ku kortay qurbaha ay inta badan iskula xiriiraan luqadaha wadamada ay joogaan iyaga oo aan danaynayn luqadoodii asalka ahayd. Waxaana wax laga naxo ah in waalidiinta qaar ayba arrintaas ku faraxsanyihiin oo ayba ku faanayaan in aan caruurtoodu af-Soomaaligaba fahmin, laakiin ay ku gabyaan luqadaha qalaad!!.

 

Dadka luqadaha kale wax ku soo bartay ayaa iyagana ku tacadiya luqada Soomaaliga,waxaadna arkaysaa marar badan iyada oo aysan hadaladooda lasocon karin dad aan aqoon ulahayn luqadaha qalaad oo ay isticmaalayaan. Lama inkiri karo in ay jiraan erayo-cilmiyeed badan oo aan weli la Soomaaliyeyn, laakiin ma ahan in 'off course, allora, iyo Maca-daalika' laga dhamaan waayo.

 

Waxaa kale oo in laxuso mudan shirar badan oo weliba lagu magacaabo shirarka aqoonyahannada, kuwaasoo aad arkayso in la dafirayo af-soomaaligii laguna daadihinayo luqado qalaad. Shir dadka jooga ay 99% Soomaali yihiin ayaa waxaa dhacda in luqadda shirku ku socdo ay noqoto mid qalaad. Waa la yaabe, ma 1% ka ajnabiga ah ayaa lagu qadarinayaa arintaas, mise ku hadalka afka qalaad ayaaba, ammaan, iyo ilbaxnimo loo haystaa?

 

Heerka ay gaartay xaqiraadda uusan mudneyn ee la xaqirayo af-soomaaliga waxaad si dhab ah uga arki kartaa dhaqanka qaabka daran oo ay la yimaadeen siyaasiyiin isku sheegga maanta Soomaalida horkaca. Bal u fiirso qoraaladda ka waramaya qorshahooda waxqabad ee ay soo bandhigeen kuwa isku sharaxaya hogaanka wadanka dhammaantood, imisa ayaa ku qoran af-soomaali? Imisa ayaase ku qoran af ingiriis? Waxaa lays weydiin karaa qoraaladani ma barnaamij loogu tala galay dadka Soomaaliyeed ineey aqristaan oo ay fahmaan si ay wax ugu qiimeeyaanbaa? Mise waa lifaaq lasocda arji ku socda qoom iyo qaarado kale?!!!

 

Maxaa keenay in aan qiimeyno luqadaha qalaad? Sida aan ognahay waqtigii gumaysiga waxaa wadanka arimihiisa oo dhan mas'uul ka ahaa dowladihii yurub ee na haystay. Waqtigaas si qofku shaqo uga helo dowladda waxa uu ku qasnabaa in uu ku hadlo luqadda gumaystaha.

 

Gumaystayaashuna waxa ay shaqooyinka yar yar ku aamini jireen Soomaalida luqadooda taqaanna. Taas oo aqoontiiba ka dhigtay ku hadalka luqaddii gumaystayaasha. Markii uu gumaysigu tagayna waxaa wadanka jagooyinkiisii dhaxal u helay dadkii luqadaha ajnabiga ah bartay. Marka la eego aqoonta kale waxaa xusid mudan in 1960kii Soomaalida aqoontoodu ay gaarsiisantahay heer jaamacadeed oo xitaa lagu daray ardadii jaamacadaha dhiganayay ay guud ahaan tiradoodu ahayd 27 qofood.

 

In kasta oo xukunkii milatarigu uu hirgaliyey qorista iyo akhriska Af-soomaaliga ayna soo baxday halhayskii caanka noqday ee " afkii qalaad hamoodin carrabku qaldi maayee sidii caanaha qurquriyaay”, haddana arintaasi mahakin qiimayntii xad dhaafka ahayd ee ay dadka Soomaaliyeed u hayeen luqdaha qalaad. Taasna waxaa ka qayb qaatay maamul xumadii xukunkii milaratiga oo isaguna markiisa jagooyinkii muhiimka ahaa inta badan u dhiibay dad u daacad ah oo aan aqoontoodu dhaafsiisnayn qoridda iyo akhrinta Af-soomaaliga.

 

Waxaana arrintaa ka marag kacaya hal ku dhaggii hirgalay ee "jaahil kacaan ah ayaa ka mudan jaamici kacaan diid ah". Xaalkii wuxuu noqday "ka dar oo dibi dhal"Arintaas iyo kuwo kalena waxay keeneen, in dadkii ayba lasii colloobaan luqaddoodii, qaar badanna ay la noqotayba in caddaalad darada iyo horumar la'aantii jirtay uuba Af-soomaaligu masuul ka ahaa.

 

Bur burkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa ay dhalisay taag darro ku sii timaadda isticmaalkii Af-soomaaliga. Waxaa meeshii ka baxay manhajkii dhexe ee waxbarashada Soomaalida oo kaalin weyn uga jiray kobcinta Afsoomaaliga sida horumarinta eray-cilmiyeedyada iwm. Waxa kale oo iyaduna meesha ka baxday luqad xirfadeedkii iyo tii maamul ee dowladda.

 

Horraantii sagaashameeyadii, markii ay hay'adihii ajnabigu gargaarka iyo shaqooyinka u aadeen Soomaaliya, ayaa waxaa badatay baahidii iyo isticmaalkii afafka qalaad, waxaana cirka isku sii shareeray qiimahoodii.

 

Waxaa kale oo door lixaad leh ka qaatay tabardarrada ku timid afkii soomaaliga, qixii ay dad u badan dhallinyaro oo soomaali ahi qurbaha ku yimaadeen. Taas oo lagama maarmaan ka dhigtay, in dadkaasi ay aad isugu howlaan barshada afafkii wadamada ay u qaxeen si ay ula qabsadaan nolosha cusub ee la soo deristay.

 

Dhibaatooyinka ka dhalankara Af-soomaaliga oo dhuma Waxaa muuqata khatar weyn oo ka imaan karta dayicidda Af-soomaaliga, oo ay ugu horeyso in uu meesha ka baxo xiriir aad iyo aad muhiim u ahaa oo aan ku tilmaami karno xidid xooggan oo isku haya ummadda Soomaaliweyn.

 

Waxaa muuqata inuu meesha ka baxayo xiriirka ehelada iyo isgarabsigii qaraabannimo. Waxaanan la wada soconnaa in loo kala turjumo caruur walaalo ah oo kala joogta labo qaaradood. Waxaa sidoo kale dhacda in waalid iyo carruurtiisii ay is fahmi waayaan oo ay dani qasabto in loo kala turjumo. Bal waa yaabe maxay isku yihiin dad iyagiiba loo kala afcelinayo?!.

 

Halis aan la fududeysan karin ayaa iyaduna ka soo muuqata, xiriirka sii kala fogaanaya ee umadda iyo qaar aqoonyahannadeedii mustaqbalka ka mid ah. Maxaan ku timaami karnaa xaalka dhaqtar soomaaliyeed oo aan waxba ka fahmeeyn cabashada bukaankiisii soomaaliga ahaa? Waxaa taas lamid ah aqoonyahan aan ummaddiisii fahmayn; sida dhaqtar Soomaali ah oo aan afgaranayn bukaan Soomaali ah, ama injineer soomaaliyeed oo shaqaalihiisa weydiinaya waa maxay shub, tiir iwm. Dad badan oo aqoontoodu wax tar yeelan lahayd oo iska dhaadhiciya in aanay waxba qaban karin maadaama ayna luqadaha ajbaniga ku hadlin iwm. Halkaasna waxaa ka dhasha barabixin lagu sameeyo aqoon badan oo loo baahnaa. Muhimadda Ilaalinta luuqadda hooyo W

 

aa arin aad u muhiim ah in la ogaado qiimaha ay dadka u leedahay luqadooda oo ah sharaftooda iyo jiritaankooda . Dadka Soomaaliyeed oo intooda badan cel celis ahaan jooga qurbaha 7 illaa 9 sano ayaa waxaa wax laga naxo ah in uu si xowli ah uga sii tirtirmayo afkoodii iyo dhaqankoodiiba, iyada oo ay dadyowga qaarkood oo ku noolaa qurbaha gaar ahaan wadamada reer galbeedka in kabadan 50 sano ay weli si wanaagsan u dhowrtaan luqadooda, dhaqankooda, diintooda iyo jiritaankoodaba.

 

Dowladaha horay u maray ama ay hogaamiyaan dadka wax garadka ah waxaa lagu dadaalaa in la adkeeyo hirgalinta luqadda, xitaa waxa ay ku bixiyaan kharash iyo shaqo badan sidii luqadooda kor loogu qaadi lahaa. Bal aan fiirinno dadaalka ay u galaan adkaynta luqadooda wadamada ku bahoobay midowga Yurub. Golaha baarlamaanka Yurub waxa uu hadda kakoobanyahay 626 qof, taas oo lafilayo in ay noqoto illaa 732 marka ay kusoo biiraan wadamada cusub sanadka foodda inagusoo haya ee 2004ta. Waxaa xusid mudan in kulamada baarlamaanka, xubin kasta loo ogolyahay in ay ku hadasho luuqadeeda. Xubnahaas oo ka kala yimid wadamo kala duwan.

 

Wadan walba waxa uu ku adkeystay in uu luuqaddiisa ku hadlo, hadalkaas oo isla markiiba la turjumayo . Turjumaadaas hadalka waxaa sii dheer kan qoraaladda ay xubnuhu soo gudbiyaan oo dhan. waxaana halkaas ku baxa lacago aad u farabadan oo gaaraya malaayiin doolar sanadkiiba. Xubnahaas baarlamaanka ku jira waxa ay u badan yihiin dad ku hadla luqadaha ay ka midka yihiin Ingiriiska iyo faransiiska iwm, kuwaas oo ay si fudud isugu af garankaraan. Laakiin waxa ay doorteen in xubin kasta ku hadasho luqadeeda, taas oo noo cadaynaysa sida dunida horay u martay ay u danaynayaan uguna dadaalayaan jiritaanka luqadooda asalka ah, tasoo ah dhaxalka ugu muhiimsan oo ay u dhaafayaan dhallaankooda.

 

Talo soo jeedin inkastoo aad laysugu waafaqsanyahay faa'idooyinka barshada luqadaha qalaad , hadana taas macnaheedu marnaba ma noqoneyso in la illoobo oo daaqadda laga tuuro afkii hooyo. Si aan hadaba u wada ilaashanno nimacada ilaah noogu deeqay ee aan nasiibka u helnay, waxaan guud ahaan ummadda soomaaliweyn gaar ahaan kuwooda qurba joogta ah u soo jeedineynaa talooyinka soo socda: Waa in waaliddiintu ay xil weyn iska saaraan carruurtooda kuna ababiyaan jacaylka iyo barashada afka soomaaliga. Inta badan waxaa la arkay in caruurta lumisa luqaddoodu ay ka fogaadaan diintooda iyo dhaqankoodaba .

 

Cilmi baarisyo lasameeyey ayaa waxaa ka cadaatay in caruurta luqadooda sida fiican u barata ay u fududaanayso barashada tan ajnabiga wadanka ay markaas kunool yihiin. Waa in aan ogaanno in ku faanka isticmaalka luqad qalaad aysan noo kordhineyn wax darajo ah haba yaraatee. Waxaana noo qurux badan in aan si raaxo leh u isticmaalno afkeenna hooyo.

 

Waa inaan markasta ka foojignaanaa in aan qof Soomaali ah kula hadalno af qalaad sabab la'aan. Waana lagama maarmaan inaan ka qeyb qaadanno hirgelinta luqaddeenna, kana fogaanno wiiqiddiisa si toos ah iyo si dadbanba. Waa in aan oggaanno farqiga u dhaxeeya luqadda iyo cilmiga; luqaddu waxay ka mid tahay cilmiyada la barto, laakiin cilmi oo dhammi ma aha luqad. Hadaba waxaa habboon in qof kasta lagu qiimeeyo heerkiisa garasho iyo aqooneed.

 

Waxaa naga talo ah in dadka sameeya qoraalada ama abaabula shirarka loogu tala galay dadka soomaalida ah ay isticmaalaan afka soomaaliga oo ah kan ay ugu fahmi ogyihiin, haddii aysan jirin sababo maangal ah oo qasab ka dhigaya in dadka wax loogu sheego af qalaad

 

Axmed Cali M.Khayre, Ku takhasusa Qawaaniinta Caalamiga iyo tan Yurub,

Utrecht University, the Netherlands.

Aakhayre@hotmail.com

Maxamed Cali Cibaar Ku takhasusa Hindisaha iyo Naqshadaynta magaalooyinka, Delft University of Technology, The Netherlands.

Mohamed_ebar@hotmail.com Xigasho:Somalitalk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this