Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda ciidamada oo xukuntay Basaaskii ugu xirfadda badnaa ee Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa xukun adag ku ridday Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed (Yarow) oo lagu helay inuu ahaa Basaas ka tirsan Al-Shabaab, sida lagu sheegay go’aanka ka soo baxay maxkamadda.

Cabdirisaaq oo ay maxkamaddu shaacisay inuu ahaa Basaas xirfad badan ayaa waxaa bishii November ee sanadkii hore ee 2021-kii lagu soo qabtay howlgal ka dhacay xaafadda Oodweyn oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Ninkan ayaa waxaa lagu soo qabtay agab kala duwan oo ay maxkamaddu soo bandhigtay, kuwaas oo uu u adeegsan jiray howlaha Basaasniyada.

Agabyada uu isticmaalayey waxaa ka mid aah, Ookiyaal Camera leh, Boortakiyaabo wax duubi karto, Pro Camera, Drone Camera DJI, Flash Camera, Qalabka dhagoolayaasha balse loo isticmaalo dhegeysiga (Siemens Heraring Aid), Modam Internet iyo Telephono.

Sidoo kale waxa uu lahaa gaari uu kula shaqeeyo adeegga Rikaab, sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyay sanadkii 2015 illaa 2020 Bajaaj, saddex meel oo kale oo isugu jiro shirkado ka shaqeeya duulimaadyada iyo kuwa kale ee wax daabaca ee loo yaqaan Stationary.

Da’da Cabdirisaaq ayaa maxkamadda ay ku sheegtay 28 jir ku dhashay Muqdisho, sidoo kalena ka baxay ka mid ah ka mid ah jaamacadaha dalka oo uu ka bartay Computer Science.

Ugu dambeyn Maxkamadda Ciidamada ayaa ku dhowaaqday in Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed lagu xukumay 15-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu shaaciyey Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Soomaaliya.

295925553_447562680743677_28512583696472 295905396_447562410743704_90849066964633

The post Maxkamadda ciidamada oo xukuntay Basaaskii ugu xirfadda badnaa ee Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this