Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya oo shaacisay xiriir ka dhexeeya ururuka Oromada ee Shene iyo Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Aababa (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Itoobiya ayaa bayaan cusub ka soo saartay dagaalladii cuslaa ee todobaadkan ka dhacay dhulka dowlad deegaanka Soomaalida, kadib markii ay weerar ku qaadeen xoogag ka tirsan Al-Shabaab.

Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalkii u dmabeeyey ee ka dhacay dhanka Feer-feer, khasaare lagu gaarsiiyey Al-Shabaab, loogana dilay illaa 85 xubnood.

Sidoo kale Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in sidoo kale dagaalladii ka dhacay gobolka Afdheer, isaguna lagu dilay illaa 209 ka tirsanaa dagaalyahannadii weerarka qaaday.

Dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale sheegtay in damaca ragga weerarka qaaday uu ahaa inay u gudbaan deegaanka Ceel-Karri, si ay uga sameysteen saldhigyo, una dagaan.

Qoraalkaan ayey sidoo kale Itoobiya ku caddeysay in ujeedka Al-Shabaab uu ahaa inay ku biiraan Ururka Oromada ee Shene, si u qal-qalgeliyaan amniga guud ee deegaanka.

“Al-Shabaab damacoodu waxa uu ahaa in ay ka gudbaan deegaanka Ceel-Karri si ay u gaaraan dhulka jooggiisu sarreeyo ee ka billowday halkaas iskuna xira deegaannada Soomaalida iyo Oromada si ay khalkhal u sameeyaan jabhadna halkaas uga noqdaan iyagoo ku biiraya kooxda Shene,” ayaa lagu yiri warka ay soo saartay dowladda dhexe.

Ururka Shene oo qayb ka ah dhaqdhaqaaqyada Oromada ayay dowladda Itoobiya u aqoonsan tahay urur argagixiso ah.

Inkastoo haatan lasoo afjaray dagaalladii ka socday xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa haddane Itoobiya waxay gashay xaalad adag, kadib weerarkii cuslaa ee Al-Shabaab.

The post Itoobiya oo shaacisay xiriir ka dhexeeya ururuka Oromada ee Shene iyo Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this