Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax lagu dilay guddoomiye degmo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16589162720783804.jpg?resize=720%

Guddoomiyihii degmada Marka Cabdullaahi Cali Axmed Waafow ayaa ku dhintay qarax maanta ka dhacay degmadaas.

Qaraxa oo ahaa mid uu fuliyay nin isku soo xiray walxaha qarxa ayaa ka dhacay xarunta degmada, waxaana sidoo kale ku dhintay ilaa 10 ruux oo isugu jira shacab iyo ciidan.

Ururka Al-shabaab ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegtay mas’uuliyadda qaraxa lagu dilay guddoomiyihii degmada Marka Cabdullaahi Cali Axmed Waafow.

Degmada Marka ee gobolka Shabeelle Hoose ayaa ka mid ah degmooyinka Koonfur Soomaaliya ee ay go’doomiyeen ururka Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Qarax lagu dilay guddoomiye degmo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this