Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Qarax is-miidaamin ah oo lagu dilay guddoomiyihii MARKA

Recommended Posts

Deeq A.   

Marka (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhowr ka dhacay gudaha magaallo xeebeedka Marka, kaas oo lagu dilay guddoomiyihii degmadaasi, Cabdullaahi Cali Waafow, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ahaa is-miidaamin, waxaana lala beegsaday goob uu ku sugnaa guddoomiyaha, waxaana sidoo kale jira khasaare intaasi kasii badan.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa weli aad u kacsan, waxaana isku geedaamay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka iyo maamulka gobolka oo ku aadan qaraxaasi lagu dilay guddoomiye Waafow.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro noocaan oo kale ka fulisa gudaha dalka, waxaana aad loo xasuustaa weerarkii Beledweyne ee lagu dilay xildhibaan Aamin Maxamed Cabdi.

Wixii soo kordha kala soco: Caasimada.net.

The post DEG DEG: Qarax is-miidaamin ah oo lagu dilay guddoomiyihii MARKA appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this