Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Reer Jalaf oo arrin la xariirta Xasan Sheekh ka raali gelisay Mudullood

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha Jufada reer Jalaf ee Beesha Sacad – Habargidir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa raali-gelin ka bixiyay hadal dhowaan uu yiri mid ka mid ah odayaasha beeshaas.

Hadalkaas nabadoonka reer Jalaf ee maanta raali gelinta laga bixiyey waxaa dhibsaday beelaha Mudullood, waxaana maanta loo diray raali gelin rasmi ah, iyadoo ay mid-mid warbaahinta ula hadleen waxgaradka reer Jalaf.

Caaqil Cilmi Maxamed oo ah nabadoonka hadalkiisa la dhibsaday oo kulankaan ka hadlay ayaa sheegay in hadalka la dhibsaday uu ahaa “Mogadishu Clan qofkiisa waxgaradka ah ayagaa gacantooda ku dila.”

Caaqil Cilmi oo hadalkiisii hore qiil u raadinaya inta uusan raali gelin ka bixin ayaa tusaale u soo qaatay Jeneraaladii Mogadishu Clan ee horay loo dilay, sida Gabeyre iyo Ceydiid.

Sidoo kale u jeedka uu hadda ka lahaa hadalkaas wuxuu ku sheegay inuu arkayo mucaaradnimo uu Mogadishu Clan ku bilaabay Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo ku dooday in dil iyo mucaaradad ay iskula mid tahay ninka madaxda ah.

“Ujeedka hadalkeygu wuxuu ahaa Xasan Sheekh yaan la mucaaradin ee hala garab istaago, weliba Mogadishu Clan ninkii ka dhashay oo shaqeynaya uusan darfaha ku dhegin,” ayuu yiri.

Caaqil Cilmi ayaa intaas ku sii daray, “Hadalkeygu sidaas ayuu u dhignaa, intii ila fahantay waan u mahad celinayaa, intii si kale u qaadatana 100% waan ka raali gelinayaa.”

Sidoo kale odayaashii kale ee kulanka ka soo qeyb galay ayaa raali gelin buuxda siiyey beelaha Mudullood, waxayna cadeeyeen in marnaba aysan aqbali doonin in curadkooda Mudullood loo gefo ama la yiraahdo hadal ay dhibsanayaan.

Hoos ka daawo

The post Beesha Reer Jalaf oo arrin la xariirta Xasan Sheekh ka raali gelisay Mudullood appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this