Deeq A. Posted July 25, 2022 Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Siciid Cismaan ayaa magacaabay Guddiga Gurmadka Abaaraha Gobolka Karkaar oo ka kooban 14 xubnood. Warqad ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Karkaar ayaa lagu magacaabay Guddiga oo ka shaqayn doona Gurmadka Abaaraha Gobolkaas Karkaar. Guddiga waxa weheliya guddi ka kooban afar xubnood oo dhinaca dowladda ah islamarkaana ay ku jiraan Guddoomiyaha Gobolka Karkaar iyo duqa degmada Qardho. PUNTLAND POST The post Guddiga Gurmadka Abaaraha Gobolka Karkaar oo la magacaabay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites