Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoonka baarlamaanka Puntland oo magacabay xubna kamid noqonaya guddiga doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad gobaleedka Puntland Cabdirashid Yusuf Jabriil, ayaa magacabay xubna u sharaxan kamid noqoshada guddiga doorashada Puntland.

Jabriil ayaa magacaabis ku sameeyay laba mas’uul oo kamid noqonaya guddiga doorashada Puntland, kuwaas oo lagu wado in dhawaan ay helaan codka kalsoonida baarlamaanka.

Xubnaha la magacabay ayaa kala ah :

1. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Jaamac (Dayax)
2. Mahad Bashir Nuur

Labadan mas’uul ayaa  ka soo  kala jeeda Sanaag iyo Nugaal, waxa ayna  beddelayaan saamiga guddoomiyihii hore ee guddiga Guuleed Saalax iyo ku-xigeenkiisii Jaamac Faarax.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this