Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland oo hortagay Baarlamanka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1658563580811.jpg?resize=720%2C48

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 27-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha Dhallinyaradda & Ciyaaraha Dawladda Puntland Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaradda, Agaasimaha Guud, Saraakiil ka tirsan Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha Dhallinyaradda & Ciyaaraha Dawladda Puntland ka warbixiyey shaqada ay u xil saaran yihiin ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira.

Intaa kadib, Xildhibaannada ayaa Wasiirka wax ka weydiiyey arrimaha Shaqada, Shaqaalaha Dhallinyaradda & Ciyaaraha sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 64-aad Farqadiisa 17aad,  Xeer-hoosaadka Golaha, Xeerka Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland iyo Lifaaqa oo soo baxay 2005 , Xeerka Khidmada Shaqaalaha Ajaaniibta ah oo soo baxay 2015, Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda Puntland  oo soo baxay 2018, Xeerka Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda Puntland oo soo baxay 2019 iyo  Xeerka Hawl-gabka iyo Liili-tirka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda Puntland ( 2019).

PUNTLAND POST

The post Madaxda Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland oo hortagay Baarlamanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this