Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururka EAC oo dedejinaya hanaanka ay Soomaaliya xubin uga noqoneyso + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Arusha (Caasimada Online) – Ururka Bulshada Bariga Afrika, East African Community (EAC) ayaa dedejinaya hanaanka ay Soomaaliya uga mid noqoneyso ururkaas, sida lagu sheegay war-murtiyeed kasoo baxay dhammaadka shirkii uu ururkaas ku yeeshay magaalada Arusha ee dalka Tanzania.

War-murtiyeedka kasoo baxay shir madaxeedka ururka ayaa lagu xusay in laga gaabiyey eegista codsiga Soomaaliya, waxaana Golaha ururkaas lagu faray inay dedejiyaan tallaabooyinka ay tahay in Soomaaliya ay marto, kaddibna ay warbixin siiyaan shir madaxeedka 23-aad ee ururka.

Tani waxa uu macnaheedu yahay inay qaadan karto laba illaa saddex sano hanaanka lagu hubinayo inay Soomaaliya buuxisay shuruudihii ururka, kadibna waxay si buuxda ugu biiri kartaa ururka.

Guusha arrintan ku jirta ayaa ah; in kahor safarkii uu madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay Arusha uu kiiska Soomaaliya ahaa mid meel la iska dhigay oo aan la furin, balse hadda ay si rasmi ah Soomaaliya u billaabeyso hanaanka looga mid noqonayo ururka. 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qayb-gelay xiritaanka shir-madaxeedka dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ay martigelisay magaalada Arusha ee dalka Tanzania, iyadoo Madaxda dalalkani ay maanta ka doodeen codsiga rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso kamid noqoshada dalladan. 

Madaxweynaha oo kulan-doceedyo la qaatay Madaxda ka soo qeyb galay shirkan ayaa xoojiyey ololaha ansixinta codsiga dowladda Soomaaliya, isagoo soo bandhigay fursadaha dhaqaale iyo bulsho ee ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed, doorka xooggan ee ay ka qaadan karaan horumarka dalladan iyo saameynta ay ku leeyihiin Gobolka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxda dalalka Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC), fursadda ay u siiyeen in uu sii xoojiyo codsiga dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan ku mid noqoshada dalladdan, waxa uuna ku ammaanay shacabka iyo dowladda Jamhuuriyadda Tansaaniya soo dhaweynta iyo marti-gelinta wanaagsan ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa.

Hoos ka daawo sawirada xiritaanka shirka
295458007_432546875583124_73679196961783 Xasan-6.jpeg?resize=696%2C625&ssl=1 295485615_432546902249788_65423854147274 295398787_432547002249778_46190024611433 295248043_432547028916442_75012426454805 Xasan-Samia.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 295131281_432547142249764_42534897048222 295437614_432547172249761_84636602179637 295265491_432547198916425_77328852924258 295054749_432547258916419_60129238801006

The post Ururka EAC oo dedejinaya hanaanka ay Soomaaliya xubin uga noqoneyso + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this