Deeq A. Posted July 15, 2022 Laascaanood (Wararka PP) — Shir beeleed uu ku baaqay Garaad Maxamed Garaad Abshir Saalax ayaa durbaba la kulmay eedeymo ku saabsan cidda shirka ka dambeysa abaabulista shirka. Garaad Maxamed oo dhowaan lagu caano-shubay wuxuu shirka u arkaa mid ay oday dhaqameedyadu kula tartami karaan siyaasiyiinta iyo caaglayaashooda. “Isaga iyo madax-dhaqameedka kale ee Sool midna kama hadlin barakicintii qasabka ahayd ka dhacday Laascaanood hal sano ka hor” ayuu ku dooday nin ku sugan Laascaanood. Garaad Maxamed Garaad Abshir Saalax kama hadlin barkicintii qasabka ahayd ka dhacday Laascaanood hal sano ka hor. “Looma baahna odayaal aan kaalin siyaasadeed lahayn in dadka shirar waqti kaga qaadaan. Garaadka Widhwidh waa qurbejoog aan ogeyn in siyaasigu ku adeegto oday dhaqameedku” ayuu yiri nin xildhibaan hore ka ahaa golaha degaanka Laascaanood. Shirka dadka ka soo qeybgalaya waxaa ka mid ah Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo lagu eedeeyey inuu barakicintii qasabka ahayd aamusnaan ku taageeray. Ilo ku dhow Garaadka shirka ku baaqay ayaa Puntland Post u sheegay in qorshuhu ahaa in shirka lagu qabto Laascaanood. Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa diidday inuu Laascaanood yimaado. Lama hubo inuu iman doono Widhwidh oo leh gole maamul taageersan maamulka Hargeysa. Muuqaalka Garaadka oo shir ku baaqaya. © Puntland Post, 2022 The post Hargeysa oo “abuubulaysa shir Widhwidh lagu qaban doono” appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites