Sign in to follow this  
Deeq A.

TOOGASHO dhimasho iyo dhaawac sababtay oo ka dhacday MAREYKANKA

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (Caasimada Oline) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa toogasho markale ka dhacday gudaha dalka Mareyanka, gaar ahaan magaalada Highland Park.

Toogashada ayaa waxaa fuliyey nin hubeysan oo watay qori awood badan, kaas oo rasaas ku furay dadweyne u dabaal-degayey madax bannaanida Mareykanka ee 4-ta Luulyo.

Inta la xaqiijiyey waxaa dhacdadaan ku dhintay ugu yaraan 6 qof, halka ay ku dhaawacmeen 24 kale, sida ay shaaciyen saraakiisha Booliska.

Dadka dhintay 5 ka mid ah waxay ahaayeen dad waaweyn, iyadoo qofka kalena la sheegay inuu ku geeriyooday isbitaal ku dhow goobta ay wax ka dhaceen.

Robert E Crimo III, oo 22 sano jir ah, isla-markaana looga shakisan yahay weerarka ayaa la xiray wax yar kaddib markii uu falku dhacay.

Dhinaca kale madaxweyne Joe Biden ayaa si adag uga hadlay toogashadan, kadib khudbad uu ka jeediyay bannaanka hore Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka, wuxuuna sheegay in afarta Luulyo  ay ku soo beegantay xilli xasaasi ah.

 “Waan ogahay in falkaan uu abuuri karo walaac, laakiin waan ka gudbi doonnaa dhammaan,” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweynaha dalka Mareykanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu qalinka ku duugay sharci muhiim ah oo wax looga qabanyo hubka iyo sidii looga xakameyn lahaa guud ahaan wadanka Mareykanka.

“Ka hor inta aan Yurub u bixin waxaan saxiixay sharcigii ugu horreeyay oo muddo 30 sano ah si dhab ah wax uga qabanaya hubka, dhamaantiin waad maqasheen waxa maanta dhacay. Maalin kasta waxaa nala xasuusiyaa sida ay waajib noogu tahay inaan difaacno oo aan u dagaallanno dimuquraadiyadeenna,” ayuu markale sii raaciyey madaxweyne Biden.

Si kastaba, toogashadaan ayaa kusoo beegantay bil uun kaddib toogashooyin dhimasho sababay ay dhaceen Ovaldi, Texas, Buffalo iyo New York ee dalka Mareykanka.

The post TOOGASHO dhimasho iyo dhaawac sababtay oo ka dhacday MAREYKANKA appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this