Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Aadan Madoobe, Rooble iyo Mahdi Guuleed oo safarro kala duwan dalka uga baxay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi xildhibaano, wasiirro iyo masuuliyiin kale isugu jira ayaa galabta ka ambabaxay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, iyagoo ku kala wajahan magaalada Nairobi iyo boqortooyada Sacuudiga.

Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe, Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble iyo wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa u amba-baxay dalka Sacuudiga, si ay u soo gutaan Acmaasha Xajka.

Sidoo kale wafdi kale oo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed uu hoggaaminayo ayaa galabta u amba-baxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo berri uu uga qeyb gelayo shirka madaxeedka wadamada IGAD oo berri furmaya.

Horay waxaa dalka uga maqnaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaamiyo oo xalay gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay Madaxweynaha dalkaas Recep Tayyip Erdogan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku casuumnaa shirka IGAD ee berri ka furmaya Nairobi, balse warar ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in loo diray Mahad Guuleed, maadaama ay Madaxweynaha u suurta geli weysay inuu ka soo gaaro.

Haatan waxaa dalka ku sime madaxweyne ka ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo markeedii labaad maamuuskaan heleysa maalmo gudahood, maadaama ay safar dalka uga wada baxeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoomiye Aadan Madoobe.

Cadaala-Mahdi-iyo-Rooble.jpg?resize=696% Mahdi-iyo-Rooble.jpg?resize=526%2C595&ss rooble-iyo-aadan-madoobe.jpg?resize=593% safarka-aadan-madoobe.jpg?resize=696%2C4

The post Sawirro: Aadan Madoobe, Rooble iyo Mahdi Guuleed oo safarro kala duwan dalka uga baxay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this