Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska oo balan-qaad culus ka soo saaray dhaca tuugada ee Muqdisho ka socda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Saldhiga degmada Howl-wadaag iyo ciidamo uu horkacayo ayaa howl-galo ka sameeyay degmada Howl-Wadaag ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay halkaas dhac ka geysteen kooxo burcad ah.

Taliyaha ayaa ballan-qaaday inay gacanta kusoo dhigi doonaan tuugada dhaca u geysaneysa shacabka, islamarkaana ay har iyo habeen u taagan yihiin difaacooda.

“Waa niman tuugo ah oo mindiyo wata, intay naf nagu jirtana waa taagnaneyna habeen iyo maalin. Aniga kula hadlaya ayaa taagnanaya oo tuug walba oo soo gala waxa rajeynayna in aan gacanta ku dhigno oo sharciga waafajino,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ka dalbaday shacabka inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada booliska, islamarkaana ay gacan ka geystaan sidii ay u qaban lahaayeen tuugada dhaca u geysaneysa xiliyada habeenkii.

“Shacabka waxaa leenahay raali noqdo waxa u shaqeynayno ee u rafaadeyno waa idinka, ma ogolin in qof shacab ah oo xaafada degan in la dhibaateeyo oo loo boodo saqdhexe ma ogolin.”

Taliyaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inay joogteyn doonaan howl-galada lagu baadi-goobayo tuugada dhaca ka geysata degmada, isaga oo markale shacabka ka dalbaday inay arrintaas kala shaqeeyan.

Howl-galka uu hogaaminayo taliyaha saldhiga degmada Howl-Wadaag ayaa imaneysa kadib markii xalay xaafad ka tirsan degmada Howl-Wadaag ay koox tuugo ah dhac u geysteen qoys ku nool degmadaas.

The post Booliska oo balan-qaad culus ka soo saaray dhaca tuugada ee Muqdisho ka socda appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this