Sign in to follow this  
Deeq A.

Fannaanadii Weynayd Ee Khadra Daahir Oo Geeriyootay (Wareysi Oo Laga Qaaday 1976)

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Khadra ayaa cisbitaalka International Hospital oo ku yaalla magaalada Hargaysa ugu geeriyootay xannuunka oofwareenka oo kusoo booday 25 bishii June kadib markii ay marawaxad shidatay xilli ay jidhka soo maydhatay.

Khadra waxay sannadkii 1957 ku dhalatay magaalada Hargaysa ee caasimada Somaliland, isla Hargaysa ayayna fanka kaga biirtay sannadkii 1974 iyada oo 17 jir ah, sida uu sheegay xeel dheere fanneed Cumar Seerbiya.

Heesaha ay ku luuqaysay ayaa lagu qiyaasaa 2,550 heesood oo jacayl iyo calaacal u badan, heesahaas oo Soomaalidu ku sheegto in ay qaar badan oo kamid ahi nolosheeda taabanayeen, lakiin anay iyadu marnaba si faahfaahsan uga hadal,  sida uu sheegay wariye Maxamed Cabdi Boosh oo aqoon u lahaa.

Khadra Daahir, ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay daganayd magaalada Hargaysa, iyadoo sheegtay in ay fankii iskaga baxday, waxayna ifka kaga tagtay 5 carruura, wareysi xiiso badan oo laga qaaday 1976 halkan hoose ka DAAWO

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this