Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiinta Dowladda oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Khadra Daahir Cige

Recommended Posts

Deeq A.   

Mas’uuliyiinta ugu sar sareeyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid allaah u naxariiste fanaanaddii caanka ahayd ee Khadra Daahir Cige.

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid maama Khadra Daahir Cige.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday marxuumad Khadra Daahir Cige oo magac iyo miisaan ku dhex laheyd bahda fanka iyo Shacabka Soomaaliyeed.” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhinaca kale guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa dhankiisa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid allaah u naxariistee boqoraddii hobalada Waaberi ee Khadra Daahir Cige oo doorweyn ku lahayd fanka Soomaalida tan iyo xurnimadii ayaa yiri ” “INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.
Waxaan ehelka, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda fanka Soomaaliyeed uga tacsiyaynayaa geerida ku timid Alle ha u naxariistee, Fanaanadii weynayd ee Marxuumad Khadra Daahir Cige oo xalay Hargeysa ku geeriyootay,”.
Dhankiisa guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Cabdi xaashi Cabdullahi, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida fanaanad Khadra Daahir Cige.
“Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, qaraabadii, bahda Fanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay, Alle ha u naxariistee Fannaanad Qaran Khadra Daahir Cige oo ka mid ahayd xidigii hobollada Qaranka Waaberi, oo ku geeriyootay magaalada Hargaysa” ayuu yiri  Cabdi xaashi Cabdullahi.

Marxuumadda ayaa tan iyo dabayaaqadii bishii June ku xanuunsaneyd isbitaan ku yaalla magaalada Hargeysa, halkaas oo lagula tacaalayay xaaladdeeda caafimaad, iyadoo ugu dambeyn xalay ku geeriyootay gudaha Isbitaalkii ay ku jirtay Khadra.

Khadra oo ka tirsaneyd hobaladii Waabari ayaa sanadkii 1957kii ku ku dhalatay magaalada Hargeysa, halkaasi oo ay ku dhameysatya waxbarashada, iyadoo ka mid ahayd dadka codadkooda aad loogu jecel yahay marka Iskuullaadka la xirayo.

1970-kii ayay Khadra Daahir Cige sameysay ruwaayaddeedii ugu horeysay oo ay ka dhigta Iskuulka Farsamada ee Hargeysa, waxaana ay si rasmi ah Ruwaayadda ula sameysay Hobollada Waaberi ruwaaddii la oran jiray “DAB JCAEYL KARI WAA

Marxuumad Khadra ayaa waxaa ay qaaday heeso badan kuwaas oo aad looga jecel yahay gayiga Soomaalida si weyna dadku ay u dhageystaan, waxaana kamid ahaa Albumkii Mahigaan, kaas oo ay ku jireen dhowr, sida ISHA SACABKA MARI.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this