Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Socdaalka Madaxweyne Xasan ee Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu maanta oo Axad ah u safro magaalada Ankara, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dowladda Turkiga.

Sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah, safarka Madaxweyne Maxamuud oo qaadan doona muddo saddex maalmood ah, waxana  madaxweynaha  uu la kulmi doonaa Madaxweyne Erdogan iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu inta uu ku sugan yahay Ankara in uu kala hadlo mas’uuliyiinteeda sidii loo xoojin lahaa xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale Ankara kala hadli doono sidii gurmad loogu fidin lahaa dadka ay abaartu saamaysay ee ku sugan Soomaaliya.

Waa safarkii labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu dalka kaga baxo tan iyo markii la doortay 15-kii May. Booqashadii ugu horeysay ee rasmi ah oo uu dalka kaga baxo waxa uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta, toban maalmood kadib markii loo dhaariyay xilka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this