Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Puntland oo Su’aallo Waydiinaya Wasiirka Ka Tirsan Xukuumadda Deni

Recommended Posts

Deeq A.   

Baarlamaanka dowlad gobaleedka Puntland, ayaa maanta oo Axad ah u yeeray wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda ee Puntland iyo xubna ka tirsan wasaaradda dekadaha ee maamulka Puntland.

Axmed Yaasiin Saalax, oo ah wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda ee maamulka Puntland iyo xubna sar sare oo ka tirsan wasaaradda, ayaa la filaya in ay hortagaan golaha wakiilada Puntland, si wax looga waydiiyo arrimo ku saabsan howlaha wasaaradda.

Xildhibaannada golaha wakiilada Puntland, ayaa mas’uuliyiinta su’aallo waydiin doona, saacadaha ay hor joogaan, xilli sidoo kale wasiirka iyo wasaaradiisa laga dhagaysan doono warbixin ku saabsan howlaha wasaaradda.

Axmed Yaasiin oo la magacaabay 21 January 2022 ayaa xilka wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda ee maamulka Puntland , waxaana xafiiska uu jooga wax ka yar lix bilood.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this