Sign in to follow this  
Deeq A.

Hooyo Soomaaliyeed oo kufsi iyo dil loo geystay, kadibna la laayey carruurteedii

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaalida ku dhaqan wadanka Koonfur Afrika ayaa xilligan wajahaya xaaladdii ugu adkeyd oo ku aadan ammaankooda, kadib markii ay kordheen weerarada dilalka, dhaawaca iyo boobka loo geysanayo.

Ceydarus Ismaaciil Cilmi oo xubin sare ka ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha dalkaasi ayaa wareysi uu siiyey Somali Cable wuxuu kagag hadlay xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika & dhibaayooyinka ay xilligaan wajahayaan.

Waxa uu sheegay in dhibaatooyinka ay mar weliba jireen, isla-markaana ka jaaliyad ahaan isku dayeen inay wax ka qabtaan, balse wuxuu tilmaamay in aysan jirin isku xirnaan guud.

“Soomaalida sideedaba waxaa jira go’aanno aysan ku mideysneyn oo ah sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka soo noq-noqday ee Soomaalida inta badan ku dhaca marwalba oo jaaliyaddu go’aan gaarto ama Soomaalida ay go’aan gaarto isku xirnaasho la’aan iyo waxaa jirta go’aan wada qaadasho la’aan,” ayuu wareysigaan ku yiri Ceydarus Ismaaciil Cilmi.

Sidoo kale Ceydarus ayaa ka sheekeeyey dhacdo xanuun badan oo uu la kulmay, taas oo qabsatay qoys Soomaaliyeed oo ka koobnaa hooyo iyo saddex carruur ah oo ay dhashay.

Ceydarus Ismaaciil Cilmi ayaa xusay in hooyadaasi Soomaaliyeed oo uusan sheegin magaceeda inay habeen ay u dhaceen gurigeeda rag hubeysan, isla-markaana ay kufsi u geysteen, kadibna ay dileen iyo iyada carruurteeda oo ka koobnaa laba gabdhood iyo wiil.

“Habeenkii xilli dambe guriga ayey niman ugu soo dhaceen waxay sameeyeen iyadiina way kufsadeen hooyadii Soomaaliyeed Ilaahey naxariis iyo Janno haka waraabiyo, wayna dileen sadexdii carruur ahaana, arrintaas ayaa waxa ay ila noqotay arrintii iigu naxtinta badneyd ” ayuu markale yiri Ceydarus Ismaaciil Cilmi oo ka mid ah jaaliyadda dalka Koonfur Afrika.

Dhacdadaan xanuunka badan ayaa ka mid ah xaaladaha adag ee Soomaalida ku heysta wadanka Koonfur Afrika oo ka mid ah meelaha tacadiyada loogu geysto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi oo ay u tageen shaqo, gaar ahaan howlo ganacsi.

The post Hooyo Soomaaliyeed oo kufsi iyo dil loo geystay, kadibna la laayey carruurteedii appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this