Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Xoogga oo Howlgallo Ka Sameeyay Deegaanno Ka Tirsan Shabeellaha Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   
Ciidanka Kumaandooska Gor-gor ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyay degmada Owdhiigle ee gobolka Shabeellaha hoose, iyaga oo sheegay in ay ku burburiyeen fariisimo  Al-Shabaab ay ku lahayeen degaanno hoostaga degmadda.
Howlgalkaan ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha guutada 17-aad ee Kumaandooska Gor-gor Gaashaanle dhexe  Dayax Cabdi Cabdulle, waxaana uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga, iyadoo ciidanku ay ku gaareen deegaanno hoos u dhow degmada oo ay ku sugnaayeen Alshabaab.
CiidankaGor-gor, ayaa waxa ayaa  howlgalka ku gaaray  degaannada kala ah Shaam-gare,tawakal iyo nuucaanaay oo hoostaga dhammaantood degmadda Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha  hoose, ciidanka ayaa muddooyinkii dambe gobolka ka waday howlgallo amni xaqiijin ah.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this