Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jubaland oo gaaray degmada Dhoobley

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1656237746628.jpg?resize=720%2C47

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Degmada Dhoobley halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeeyey.

Maamulka Degmada, Odayaal, haween, dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Degmada Dhoobley.

Golaha wasiirada ee Jubaland ayaa 23-June-2022 shirkoodii Khamiislaha ahaa ku ansixiyey in Dhoobley iyo Buurdhuubo ay kamid noqdaan Degmooyin rasmiga ah ee Jubaland.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Degmada Dhoobley kulamo la qaadan doona waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Degmada.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Jubaland oo gaaray degmada Dhoobley appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this