Sign in to follow this  
Deeq A.

Duulimaadyada Gudaha Dalka Oo Hakad Ku Jira Saaka

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa dhamaan maanta oo Axad ah hakad ku jiro duulimaadyada gudaha dalka, taas oo loo sababeeyay shaqo joojin ay sameeyeen guddiga diyaaradaha Soomaaliyeed.

War-saxaafadeed ka soo baxay Ururka Diyaaradaha Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in maanta oo ay taariikhdu tahay 19-ka June 2022, ay dhamaan joojiyeen diyaaradaha gudaha in ay u kala safraan gobalada dalka.

Guddiga ayaa ku eedeyay hay’adda duuliista rayidka in aysan u muuqaan mid isku xilsaartay badqabka rakaabka iyo diyaaradaha dalka ka shaqeeya.

Warka ayaa sidoo kale ay ku sheegeen guddiga in amniga garoomada dalka uu faraha ka sii baxayo muddooyinkii la soo dhaafay.

Maanta ayaana jirin illa iyo hadda wax diyaarad ah oo garoonka Aden Cadde, ka baxay ama yimid, kuwaas oo ku kala gooshaya gudaha gobalada dalka.

288984686_1368942630249210_6481161440658

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this