Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay ee kulamada Madaxweyne Deni ka wado Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu saacadaha soo socda kulan gaar ah la qaato Taliyaasha kala duwan ee ciidamada dowladda.

Wararku waxay sheegayaan in kulankaas looga hadlayo xaaladda guud ee Amniga islamarkaana Taliyaasha warbixino looga dhegaystan doono.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale maanta la ballansan xildhibaanada Baarlamanka Puntland oo uu ku casumay kulan qado ah oo albaabadu u xiran yihiin.

Xildhibaannada qaarkood ayaa la sheegay in ay diideen ka qayb-galka kulankaas inkastoo la filayo in xildhibaannada badankoodu xaadiri doonaan.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay ee kulamada Madaxweyne Deni ka wado Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this