Sign in to follow this  
Deeq A.

Mashruucii Eng Yariisow ee laga fulinaayey Berbera qiimihiisuna ahaa $7.87 Million maxaa la qabtay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Mashruucii Eng Yariisow ee laga fulinaayey Berbera qiimihiisuna ahaa $7.87 Million maxaa la qabtay?

Berbera Urban Development Project waxa maalgelisay EU waxaana lagu maamuusay ENG Yarisow AHUN. Mashruuca waxa la daahfuray 30 January 2020, waxaana fulinaysay UN-Habitat oo kaashanaysa Dowladda Hoose ee Degmada Berbera. wakhtiga fulintu wuxuu ahaaa 3 sannadood. Kharashka ku baxaayey wuxuu dhamaa $7.87M USD
Mashruucan ujeedadiisu waa maxay?
1) In la tayeeyo siyaasada isku dhafan ee horumarinta iyo qorshaynta magaalooyinka Berbera iyo Muqdisho.
2) Maalgelinta iyo awoodda Dowladaha Hoose ee Berbera iyo Muqdisho awoodooda adeeg bixineed.
3) Abuurista dhaqdhaqaaq ganacsi iyadoo xooga la saarayo haweenka iyo bulashada dayacan ee ku nool labbada magaalo.
Mashruucan waxa ku hoos jira mashruuc labaad oo ah BERBERA BEACHFRONT DEVELOPMENT PROJECT oo ay wada qabanayeen Dowlada Hoose ee Berbera iyo isla UN-Habitat wakhtiga uu ku dhamaanayeyna ahaa 7 bilood.
Mashruucan waxa ugu mudanna laba qodob?
1)In xuquuq isku mid ah ay helaan dadka xeebta imanaya sida kuwa laxaadka la’a iyo kuwa laxaadka dhamaystiran leh.
2)In baahiyaha aasaasiga u ah goob xeebeed ay helaan dadka Xeebta Berbera imanaya.
Mashruucan labaad waxa loogu talagalay inuu abuuro waddo dhamaystiran oo isku xidhaysa badda ilaa suuqa dhexe ee magaalada Berbera raacsanyihiina biyo mareenadii iyo qashin mareenadii (Sewage), bus stops, calaamadaynta goobihii dadku marayey, street light, sidookale mashruuca waxa kamid ah goobo qoysaska u gaar ah, goob dumarka oo qudha u gaar ah, goobo sports oo u gaar ah hablaha, goobo sports oo u gaar ah wiilasha, goob suuqeed weyn oo dhisan, goobo recycling ah, wado baaskiil, goobo parkings ah, dhir beeris cagaarayn ah, dhul banaan oo kayd ah, barxado guud oo loogu talagalay nasashada, ciyaaro dhaqameedka, jimicsiga iyo goobo dadka wadhatada ah ee aan suuqa rasmiga ah ahayn loogu talagalay kuwaasoo iibinaya adeegyada fudud ee ay u baahan yihiin dadka bada imanaya.
288994479_5294571100602399_9042935208359
289169277_5294571270602382_3835517480610
289052445_5294571130602396_6497327339663
288851797_5294571317269044_6695002066338
288993023_5294571460602363_3318313888862

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this