Deeq A. Posted June 9, 2022 Magaalada Muqdisho waxaa ku soo qulqulaya wufuud kala duwan oo ka socota dalalka deriska iyo kuwa calaamka, kuwaas oo qayb galaya munaasibadda caleema saarka madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxda dowlad gobaleedyada dalka oo iyagana qayb ka ah munaasibadda caleema saarka ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho. Mas’uuliyiin ka socota dowladda Isku tagga imaaraadka carabta ayaa saaka sidoo kale soo gaaray magaalada Muqdisho oo maanta ay ka dhaceyso caleemasaarka madaxweynaha. Munaasibadda caleema saarka madaxweynaha ayaa lagu wadaa in ay qabsoonto maanta oo khamiista ah, waxaana ay ka dhici doonta Afisyooni. Amniga magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, xilli waddooyinka caasimadda lagu arkaayo ciidamada xoogga iyo gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites