Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Sidee madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle loogu soo dhaweeyey Muqdisho?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyey, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Geelle ayaa ka qayb-galaya xafladda caleemaha saarka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka dhaceysa Teendhada Afisyoone ee Xerada Xalane.

“Ra’iisul Waaaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo soo gaaray Muqdisho si uu uga qeyb galo caleemosaarka madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale Madaxweynaha dalka Jabuuti iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa waxa ay si wadajir ah xarigga uga jari doonaan Xarunta Akadeemiyo Goboleedka Afsoomaaliga (AGA) oo bishii Febraayo sanadkii 2015-kii ay labaduba dhagax dhiggeen.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxda kale ee qeyb galeysa caleemo- saarka madaxweyne Xasan waxaa ka mid ah Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Wasaaraha Masar Mostafa Madbouly iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed.

Waxaa sidoo kale qeyb-galaya wafuud ka socota dowladaha Turkey, Sacuudiga, Qatar, Imaaraadka Carabta, Malaysia iyo dalal kale oo saaxiib la ah Soomaaliya, waxaana qaarkood ku jiro wasiiro arrimo dibadeedyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya in Soomaaliya ay heshiis la ahaato dhammaan dalalka caalamka ee aan kusoo gardarroon, islamarkaana siyaasadda arrimaha dibedda dalka aan laga xukumin dal kale, si la mid ah tii Farmaajo oo laga xukumayey magaalada Doha ee dalka Qatar.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud caleema-saarkiisa kadib waxaa laga sugayaa magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, ayada oo dastuurka uu dhigayo inuu ku magacaabo 30 maalmood kadib marka madaxweynaha la dhaariyo.

285504500_369708151925004_33863551182352 285700799_369708121925007_91789544266093 286173025_369708125258340_72055365846230 286564731_369708161925003_57357917807733 287143812_369707878591698_39876546930599 287262502_369707898591696_91528154767953

The post Sawirro: Sidee madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle loogu soo dhaweeyey Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this