Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Magacaabay La-Taliyeyaal Cusub

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay La-Taliyeyaasha Arrimaha Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka dalka, waxaana loo magacabay laba masโ€™uul oo madaxweynah kala talin doona Dastuurka iyo Federalka.
1.Dr. Cabduraxmaan Cabdullaahi Baadiyow ayaa loo magacaabay La-Taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ee Arrimaha Dastuurka, oo ku jira xaalad qabyo qoral ah lagana sugaayo in dowladiisa ay dhameystirto.
2. Mudane Axmed Cabbaas Axmed ayaa loo magacaabay La-Taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliyaย  ee Arrimaha Federaalka, taas oo madaxweyne Xasan Baarlamaanka kahor ballan qaaday inuu daadejindoono ilaa heer degmo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa masโ€™uuliyiinta la magacaabay waxaa uu Alle uga baryeyย  in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, waxa uuna kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegaan dalka.
Masโ€™uuliyiinta la magacaabay ayaa ka soo shaqeeyay hayโ€™adaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hayโ€™ado kale oo muhiim ah, waxa ayna khibrad wanaagsan iyo aqoon u leeyihiin howlaha uu Madaxweynuhu u igmaday ee Arrimaha Dastuurka iyo Federaalka.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this