Sign in to follow this  
Deeq A.

RW Rooble oo ku dhawaaqay in la xirayo jidadka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay in jidadka Muqdisho la xiri doono inta ay socoto munaasabadda caleemo-saarka madaxweynaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xafladda caleemo-saarka madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ay kasoo qeyb geli doonaan madax ka kala imaaneyso daafaha caalamka sidaas darteedna lagama maarmaan u tahay in la sugo amniga.

Waxaa uu sheegay in waddooyinka Muqdisho la xiri doono laga bilaabo 10: 00 Fiidnimo ee Caawa ilaa 5:00 galabnimo ee maalinta berito ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in la joojinayo dhammaan dhaq-dhaqaaqyada gaadiidka noocyadiisa kala duwan iyo dadweynaha inta lagu guda jiro saacadahaas.

Sidoo kale waxa uu shacabka Muqdisho ugu baaqay inay dulqaad muujiyaan saacadaha ay socoto xafladda caleemo-saarka madaxweynaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray taliska Booliska in ay diyaariyaan gaadiid goobaha caafimaadka lagu geeyo dadka ay la soo darsaan xaaladaha caafimaad inta ay jidadku xiran yihiin.

Go’aanka kasoo baxay xukuumadda ayaa kusoo aadayo xilli maalinta berri ah la filayo inay magaalada Muqdisho ka dhacdo xafladda caleemo-saarka madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana Shalay illaa maanta magaalada soo gaaray wufuud kala duwan.

Madaxda ugu sareyso ee xafladda ka qeb-galayo sida madaweynaha Kenya, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Jabuuti ayaa la filayaa inay berri Muqdisho soo gaaraan.

Madaxda ka qeyb-galeyso xafladda ayaa isla berri galab dib ugu laaban doono wadamadooda, waxaana jidadka la furi doonaa marka ay dhoofaan kadib.

Halkaan hoose ka daawo shirka jaraa’id ee ra’isulwasaare Rooble 

The post RW Rooble oo ku dhawaaqay in la xirayo jidadka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this