Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somaliland Kulan La Yeeshay Wafti Ay Hoggaaminayso Safiirka Midowga Yurub

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Adam Xaaji Cali Axmed, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub Amb Tiina Intelmann oo ay wehelinayeen Xubno kale oo waftigeeda ah.

Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd is-xog-waraysi guud oo la xidhiidha xaalada dalka iyo arrimaha doorashooyinka la filayo in ay dalka ka qabsoomaan.

 Guddoomiyaha iyo waftigu waxa ay is  waydaarsadeen fikrado badan. Waxa kale oo ay ku balameen in xidhiidhka la sii xoojiyo mustaqbalka sidii awalba loo wada shaqayn jiray.

Kulankuna waxa uu ku dhamaaday  jawi fiican.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this