Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Dhabancad oo qaabilay wafdi ka socda dowladda Norway

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa maantay xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socday Safaaradda Dalka Norway ay ku leedahay Dalka Kenya sidoo kalena qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Waftiga oo Puntland u yimid kormeerka mashaariicda ay maalgeliso Dowladda Norway ayaa Wasiirka waxay ka wada hadleen xaaladda abaarta iyo u diyaar garawga mustaqbalka ee sidii loo yareyn lahaa saameynta abaarta iyo cunto yarida.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa looga wada hadlay barnaamijka Dimuqraadiyeynta Puntland iyo doorka Dowladda Norway ee dhaqaalaha hirgelinta doorashooyinka degmooyinka ee hal cod iyo hal qof.

Kulanka waxaa wasiirka ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Siciid Aw-Yuusuf.

Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa dhankiisa uga mahad celiyey Waftiga iyo guud ahaan Dowladda Norway taageerada ay la garab taagan tahay Dalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Wasiir Dhabancad oo qaabilay wafdi ka socda dowladda Norway appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this