Deeq A. Posted May 31, 2022 (SLT-Addis Ababa)-Xoogaga ku sugan gobolka uu dagaalku halakeeyay ee Tigray ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in dagaal hor leh ay la galeen dalka deriska la ah ee Eritrea. Qoraal uu barta Twitter-ka soo dhigay Getachew Reda, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan kooxda TPLF, oo sannad iyo badh dagaal kula jirta dowladda Itoobiya iyo xulafadeeda – oo ay ku jiraan ciidammada ka socda Eritrea- ayaa sheegay in dagaalka u dhaxeeya ciidammada Tigray iyo Eritrea uu dhacay toddobaadkii hore. Getachew ayaa sheegay inay guul ka gaadheen dagaalka isagoo Eritrea ku eedeeyay inay isku dayeyso inay xiisadda ka sii darto. Dhanka kale war laga baahiyay telefishinka Tigrai TV, oo xidhiidh la leh ciidamada Tigray ayaa lagu sheegay in ciidamada Eritrea ay laba maalmood oo isku xigta bam ku garaacayeen magaalada Sheraro. Eritrea weli kama hadlin arrintan oo aan sidoo kale loo xaqiijin karin si madax bannaan. Source Share this post Link to post Share on other sites