Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka oo war kasoo saaray hadal-haynta xanuunka madaxweyne Putin

Recommended Posts

Deeq A.   

Ruushka oo war kasoo saaray hadal-haynta xanuunka madaxweyne Putin

Putin

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa markii ugu horraysay ka hadashay wararka in muddo ah la isla dhex marayay ee la xiriira xaaladda caafimaad ee madaxweyne Vladimir Putin.

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Ukraine waxaa soo baxayay hadal-hayn ku saabsan in uu xanuunsan yahay Putin.

Hase yeeshee wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa Axaddii beeniyay sheegashooyinka noocaas ah, isagoo sheegay in aysan jirin wax calaamado ah oo muujinaya inuu xanuunsan yahay Madaxweynaha.

Arrimaha ku aaddan xaaladda caafimaad ee Putin iyo noloshiisa khaasha ah waa kuwo xasaasi ka ah gudaha Ruushka oo aan laga hadlin, xitaa madaxduna inta badan kuma soo hadal qaadaan fagaareyaasha iyo warbaahinta.

Balse diblomaasiya ugu sarreeya xukuumadda Moscow oo ka jawaabayay su’aal lagu waydiiyay waraysiga uu siiyay telefishinka Faransiiska ee TF1 ayaa yiri: “Uma malaynayo in dadka miyirka qaba ay arki karaan calaamado qofkan looga dareemayo inuu xanuunsan yahay ama uu qabo xanuun yar.”

Sergei Lavrov
Sergei Lavrov

Lavrov ayaa sidoo kale sheegay in Putin, oo bisha October 70 jir noqonaya “uu maalin walba kasoo muuqdo fagaareyaasha”.

“Waad ka daawan kartaa shaashadaha, waadna aqrisan kartaa oo dhagaysan kartaa khudbadihiisa,” ayuu yiri Lavrov oo hadalkiisa ay soo bandhigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka.

“Waxaan arrinta u dhaafayaa qaabka ay u fikirayaan dadka faafinaya wararka la isla dhex marayo,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Vladimir Putin, oo awoodda Ruushka haystay in ka badan labaatan sano, ayaa 24-kii bishii February militerigiisa u diray dalka Ukraine, halkaasoo ay ka wadaan dagaal saameyn ku yeeshay guud ahaan dunida.

Weerarka ay Moscow ku qaadday Ukraine ayaa lagu dilay kumannaan qof, waxa uuna horseeday xasaradihii qaxooti ee ugu xumaa ee soo mara Yurub tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Madaxweyne aad loo ilaaliyo

Putin iyo ilaaladiisa

Tallaabo kasta oo uu madaxweynaha Ruushka qaadayo waxaa si dhow ula socda boqollaal ilaalo ah oo wehliya maalin kasta 24-ka saac ee ay ka kooban tahay.

Cuntadiisa waxaa loo diyaariyaa si taxaddar leh, wax walba oo uu cabayana waa in ay marka hore kabadaan la-taliyeyaashiisa khaaska ah.

Sababta arrintan loo sameynayo waa in ninkan horay uga tirsanaan jiray sirdoonkii Soviet-ka uu si fiican u ogyahay khatarta ku hareereysan, gaar ahaan xilligan uu dagaalka ku jiro.

Putin waxa uu hoggaaminayaa dagaalka uu waddankiisa ku qaaday Ukraine, taasina waxay keeneysaa halis dheeraad ah.

Madaxweynaha Ruushka ayaa horay u xaqiijiyay in uusan isticmaalin qalabka casriga ah ee isgaarsiinta.

Sanadkii 2020-kii ayuu wareysi uu siiyay Wakaaladda Wararka ee Ruushka, TASS, ku sheegay in haddii uu rabo inuu la xiriiro qof uu isticmaalo telefoon rasmi ah oo loogu talo galay.

Balse xaqiiqada ku aaddan in madaxweynaha uusan isticmaalin qalabkaas waa in uusan kalsooni ku qabin internet-ka.

Horay ayuu mar u sheegay in internet-ka uu yahay “Mashruuc ay leeyihiin CIA” – oo ah hay’adda sirdoonka Mareykanka. Dadka u dhashay Ruuhska ayuu ka codsaday in aysan waxba ka raadinin Google maadaama uu u arko in Mareykanku ay la socdaan xogta la galiyo adeeggaas.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this