Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Koonfur Galbeed oo dhisatay madaxtooyada quruxdeeda lala cajabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhaba (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa magaalada Baydhaba ka dhistay madaxtooyo cusub oo habka loo sameeyey aad usoo jiidatay bulshada Soomaaliyeed.

Madaxtooyadan ayaa lagu wadaa inuu maanta xariga ka jaro madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la filayo inuu booqasho ku tago magaalada, halkaasi oo sidoo kale uu wada-hadallo kula yeelan doono madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen. 

Madaxtooyadan oo sawirradeeda xalay lagu baahiyey bogga facebook ee Koonfur Galbeed ayaa loo dhisay hab aad u qurux badan, waxaana sida muuqata ku baxay qarash badan. 

Si kastaba, sawirrada ayaan lagu bixin wax faah-faahin ah oo ku saabsan madaxtooyada, sida inta qol ay ka kooban tahay, qarashka ku baxay iyo waxyaabaha kale ee ay wadato.

Caasimadda rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa ah magaalada Baraawe, hase yeeshee maamulka ayaa tan iyo intii la dhisay ku shaqeynayey Baydhaba, mana muuqata inuu ka guuri doono xilli dhow kadib dhismaha madaxtooyadan. 

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, oo bishii December 2018 uu xukunka Farmaajo ku keenay awood ciidan oo dhiig uu ku daatay, ayaa muddo xileedkiisu ku egyahay bisha December 2022.
285187042_563303572027365_49108339296009 285175684_563303835360672_51180307955659 Koonfur-galbeed.jpeg?resize=696%2C522&ss 285453078_563303805360675_76342294693122 Koonfur-galbeed-1.jpeg?resize=696%2C522& Koonfur-galbeed-2.jpeg?resize=696%2C522& Koonfur-galbeed-3.jpeg?resize=696%2C522& koonfur-galbeed-4.jpeg?resize=696%2C521& 285151660_563303568694032_92109517461457 285206145_563303598694029_51945310680260 unnamed-file.jpeg?resize=696%2C522&ssl=1

The post Sawirro: Koonfur Galbeed oo dhisatay madaxtooyada quruxdeeda lala cajabay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this