Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Sida yaabka leh oo diyaarad ay leedahay shirkad Soomaali ah ay uga degtay Israel

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada aad loogu baahiyey in diyaarad ku duuleysa magaca Somali Airlines ay ku degtay garoonka Ben Gurion ee magaalada Tel Aviv ee caasimadda maamulka Israa’iil.

Diyaaradaas oo ay leedahay shirkadda Halla Airlines ayaa xalay ka degtay magaalada Tel Aviv ee caasimadda Israa’iil, waxaana sababta ay uga degtay sharaxay milkiilaha diyaaradaas Xaaji Ibraahim Nuur Hilowle oo la hadlay Idaacadda VOA.

Xaajiga ayaa beeniyey inay diyaaraddu ku socotay magaca Somalil Airlines, isagoo xaqiijiyey in diyaaradiisu ay ka diiwaan-gashan tahay dalka Kenya.

Rakaab ay siday ayuu sheegay inay ka dejisay magaalada Tel Aviv ee Israa’iil, isla markaana ay diyaaradu u rareed nin ka kireystay, sidoo kale Xaaji Ibraahim ayaa sheegay inuu qabsaday ninkii, balse uu xaqiiqsaday in diyaarad wadata leesinka Kenya aysan meel ka xiran jirin.

Soomaaliya iyo Israa’iil ma laha xiriir diblomaasiyadeed, weligoodana ma yeelan, taasi waxay keentay in markii xalay diyaarad ay leedahay shirkadda Halla Airlines oo uu leeyahay nin Soomaali ah ay ka degtay caasimadda Israa’iil aad loogu faafiyo warkeeda baraha bulshada.

Xaaji Ibraahim Nuur Hilowle ayaa sheegay in seddax diyaaradood uu leeyahay, isla markaana laba diyaaradood oo aan aadi karin dunida kale ay ka diiwaan gashan yihiin Soomaaliya, halka mida xalay tagtay Israa’iil ay ka diiwaan gashan tahay dalka Kenya.

Hoos ka dhageyso wareysiga

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2022/05/dea5fa33-b1bf-4ea7-ac73-6219e5de99b6_16k.mp3

The post Dhageyso: Sida yaabka leh oo diyaarad ay leedahay shirkad Soomaali ah ay uga degtay Israel appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this