Sign in to follow this  
Deeq A.

Mahad Salaad oo magacaabay Taliyaha NISA ee gobolka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16539349258464332.jpg?resize=720%Muxyadiin Warbac Shadoor

Agaasimaha cusub ee hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad ayaa Taliyaha gobolka Banaadir ee hay’addaas u magacaabay Muxyadiin Warbac Shadoor.

Muxyadiin Warbac Shadoor ayaa muddo dheer ka tirsanaa hay’adda NISA, wuxuuna baddelayaa Yaasiin Farey oo xilkaas horay u hayay, haddana ka mid noqday Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Agaasimaha cusub ee NISA Mahad Salaad oo khamiistii golaha wasiiradda Soomaaliya ansixiyeen ayaa shalay si buuxda ula wareegay xilka Yaasiin Farey oo xilkaas si KMG ah u hayay.

PUNTLAND POST

The post Mahad Salaad oo magacaabay Taliyaha NISA ee gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this