Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo lix wadan oo kale oo dhoolatus milatari ku sameynaya badda cas

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa ku biireyso lix wadan oo ku dhawaaqay inay sameyn doonaan dhoolatus military oo ujeedkiiisu yahay sidii kor loogu qaadi lahaa ammaanka dalalka ku teedsan badda cas.

Dalallka lixda ah ee dhoolatuskaan sameenayo ayaa kala ah Masar, Sacuudiga, Urdun, Suudaan, Jabuuti, Yemen iyo kormeerayaal ka socda Soomaaliya.

Admiral Yahya bin Mohammed Al-Asiri oo ah taliyaha Ciidanka galbeedka dalka Sucuudga ayaa xusay in dalalka ku teedsan Badda cas ay is-dhaafsan doonaan khibrado sare loogu qaadayo amniga baddaha iyo xoriyadda socdaalka badda cas.

Taliyaha howlgalkaan hoggaamin doono oo lagu magacaabo Admiral Yahya ayaa sheegay in  lixda wadan ay muujinayaan muhiimadda marin-biyoodku u leeyahay adduunka oo dhan.

Admiral Yahya ayaa sheegay in marin biyoodkaan uu yahay marin-biyood dhaqaale fiican leh sidaas darteedna ay u go’aansadeen inay sameeyaan dhoola-tuskaan si ay usoo jiitaan adduunka intiisa kale.

Lixda wadan ee ka qeybgalayo dhoolatuska militari ayaa waxay ku midaysan yihiin isbaheysi lagu horumarinayo iskaashiga siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

The post Soomaaliya iyo lix wadan oo kale oo dhoolatus milatari ku sameynaya badda cas appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this