Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Cabdullaahi Cabdi Garruun iyo Marxuumad Jawaahir Axmed Cilmi

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee, Marxuum Cabdullaahi Cabdi Garruun iyo Marxuumad Jawaahir Axmed Cilmi oo labaduba soo noqday Sanataro hore oo ka tirsanaa Aqalka Sare ee Baarlamaank 10-aad ee  Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in labada Marxuum ay muddo dheer u soo adeegayeen Qaranka Soomaaliyeed. Marxuum Cabdullaahi Cabdi Garruun ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii dhexe, isaga oo markii danbe door weyn ka soo qaatay dadaalladii dowlad-dhiska Soomaaliya. Sidoo kale Marxuumad Jawaahir Axmed Cilmi ayaa kaalin mug leh ku lahayd horumarinta bulshada, dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed iyo hirgelinta hannaanka federaalka dalka.
“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Geerida ku timi Alle ha u naxariistee Sanator Jawaahir Axmed Cilmi iyo Sanator Cabdullaahi Cabdi Garruun waa geeri xanuun badan oo taabatay qalbiyada dadka Soomaaliyeed, waxa ayna kaalin mug leh ka soo qaateen horumarinta dowladnimada iyo dib u heshiisiinta dadkeenna.”
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labada Marxuum Alle uga baryey in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoysaska, ehellada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen Marxuum Cabdullaahi Cabdi Garruun iyo Marxuumad Jawaahir Axmed Cilmi.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this