Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasi Cali Guray oo soo bandhigay Damaca Qarsoon ee Muuse Biixi & Arimo kale oo xasaasiya

Recommended Posts

Deeq A.   
BELAAYOY BAYDHOO NAGA BAYDHEEY”
Waxa Qoray Siyaasi Cali Guray
fcw.png
Somaliland weligeed hore ugamay qabsoomin doorasho aanay sadexda xisbi qaran u dhamayn oo si buuxda isula ogolayn. Maantana ka dhici mayso eh ha ku daalin.
Ha yeeshee sanadkan Muuse Biixi oo isaga tiisu birri ugu go’an tahay ayaa Madaxwayne ah Allah ha sahlo eh. Labada xisbi UCID IYO WADDANI talada Muuse waa loo joojin maayo, haday diidaan iyaga oo ururo ah in ay isla diiwaangeliyaan ururada cusub. Hadii kale labadooduba saaxadda way ka baxayaan, rabshad iyo buuqna lama ogola oo gacan baa wax lagaga qaban doonaa ciddii dhaqdhaqaaqda dalku ciidamo ku filan sugidda amniga ayuu leeyahay. Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal oo musharixiintii isaga la tartami lahayd xabsiga in la dhigo ayuu go’aankiisu u badan yahay xabsiyaduna way buuxsami, ilayn waa Muuse oo madaxwayne ahe. Waayahay markaa waxay noqotay in sanaadiiqdii codbixinta intii loo qaybin jiray loo qaado. Degaamo badan oo xisbiyada mucaaridka taageersanaa sanduuq keli ahi badbaadimayo. Wax lagu gadoodo oo la burburiyo iyo kuwo la isku dul qabsado ayay noqon. Sadexdii xisbi kulmiye ayaa keligii tartan la geli doona. Ururada la hubo in aanay soo bixi doonin horta Gaboose kow dheh. Waar u kaadi horta halkaaba ma la isla gaadhi doonaa? Maya anigu u malayn maayo eh waxay noqon in aan labadan daayoo wax doorasho ah oo dambe ka qbsoomi karin Somaliland inta uu Muuse Biixi Madaxwayne ka yahay. Waa bartii uu isagu la damacsanaa hadii ay u mari kartana u laba lugoodin maayo. Maxay doorasho sheegaysaa weligeedna yay dhicin.
Ka warran haddaba xaaladda Somaliland ku soo fool leh mustaqbalka dhaw Somaliland iyo kuwii lahaa ururo ayaanu furanay? Way idiin furan yihiin laakiin xaaladda dalka ayaan saamxayn in doorasho la qabto ilaa inta lagu heshiinayo. Oo maxaa lagu heshiin ee hadhay waa goor ay arlo qasabtaye. Anigu maxaan odhan karaa een ahayn “Belaayoy baydh oo naga baydheey”
In marka talo faro ka haaddo Muuse saaxiga keenana u dhaw ilayn waa Muuse eh

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this