Deeq A. Posted May 28, 2022 Musharax Cirro oo ka hadlay Buugiisa Taariikhda Siyaasadda Buuggeyga taariikhda siyaasadda iiguma jirto dhagar iyo dhiig umaddeed, waxaas’e bog walba igu qoran samo-talisnimo iyo ka shaqeynta Somaliland quruxdeeda Qarannimo, waxa igu qoran dulqaad iyo deganaanshiiyo, maanta waxa aan diyaar u ahay tartan iyo doorasho Madaxtooyo oo waqtigeeda ku dhacda. Doorasho diid waa nabad diid, Doorasho diid waa Dastuur diid. “Somaliland ma mudna in maanta qof keli ahi ka dhigto shaadh uu isagu tosho, way ka weyn tahay taas, ma oggolin in ay qaaddo jidkii dikteetarka. Anniga iyo Xisbigeyga, waxa aan u taagnnahay wada-jirka, midnimada, wax-wada-lahaanshaha iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland. Ma ihi nin raba inuu kursiga ku fuulo tartan la’aan iyo jujuub, waxa aan ahay nin sanduuqii taratankii doorashada laga hortaagan yahay, waxa aanse leeyahay `nin ku yidhi sinnaan mayno adna diid sarreyntiisa’.” Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites