Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Madaxweyne Xasan oo ku dhawaaqay laba hindise oo muhiim ah + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta la kulmay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa shaaciyey qorshihiisa horumarinta dhallinyarada.

Madaxweyne Xasan ayaa ku dhawaaqay Hindisaha shaqo abuur Qaran iyo hindisaha Qaran ee dhalinyarada Soomaaliyeed, kaasi oo xooga saaraya abuuridda fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo dowladda.

Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay in dowladdu ay siin-doonto hortebinta koowaad Hindisaha Shaqo Abuurka Qaran, si dhallinyaradu ay door weyn uga qaataan qorsheyaasha Qaran ee dib-u-dhiska dalka, kobcinta dhaqaalaha, maal-gashiga iyo xoraynta dalkeenna.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waxa ay shacabka ka yihiin in ka badan 70%. Waxay aasaas u yihiin dowladnimada, dhaqaalaha dalka iyo horumarinta arrimaha bulshada. Si aan u gaarno isku filnaansho buuxa waxaan ku dhawaaqayaa madal ay dhalinyarada Soomaaliyeed ku wadaagaan hal abuurkooda iyo horumarinta dowladdooda.”

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dowladda kala shaqeeyaan kor u qaadidda fursadaha shaqo ee dalka, isagoo bulshada Soomaaliyeed ku dhiirri-geliyey inay hormuud u noqdaan hal-abuurka iyo hirgelinta qorsheyaasha kobcinta dhaqaalaha dalka, si xal waara loogu helo caqabadaha waaweyn ee haysta dalkeena iyo dadkeena.

Xasan-Sheekh-3.jpeg?resize=696%2C509&ssl 284523936_391779299659882_63544787898983 281561818_391790379658774_14929535171002 281758001_391788436325635_10837373511393 281729101_391788572992288_34646535027009

The post DEG DEG: Madaxweyne Xasan oo ku dhawaaqay laba hindise oo muhiim ah + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this