Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo magacaabay Xilal cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya oo magacaabay Saddex Xil

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magcaabay saddex la taliye oo madaxweynaha kala shaqaynaya dhinaca sharciga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo xidhiidhka baarlamaanka.

Madaxweyne Xasan ayaa la taliyaha Sharciga u magcaabay Ibraahin Iidle Saleebaan, halka Zakariye Xasan Cali (Gaashaan) uu madaxweynuhu u magcaabay la taliyihiisa siyaasadda iyo xidhiidhka baarlamaanka. Xasan Aadan Hoosow ayaa madaxweynuhu u magcaabay la taliyaha dhaqalaha.

Wareegtada ka soo baxday madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xubnahaan la magacaabay ay soo qabteen xilal sarsare oo Hay’adaha dowladda dhexdooda ah iyo meelo kale oo muhiim ah, waxa ayna khibrad wanaagsan u leeyihiin howlaha loo igmaday.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this