Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiil Dhallinyaro ah oo Lagu Dilay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil maanta ka dhacay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kadib markii halkaas lagu dilay wiil dhallinyaro ah, kaas oo siweyn looga yaqaanay magaalada, waxaana dilka fuliyay kooxo ku hubaysnaa Bastoolado.

Wiilka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Jamaal Sakariye Saciid, waxaana lagu dilay xero ay deganaayeen dad Barakacayaal ah , waxaana halkaa uu u joogay howlo shaqo, marxuumka ayaa kamid ahaa dhallinta u loleyn jirtay nabadda magaalada oo dhowr jeer ay ku dagaalameen maleeshiyaal.

kooxii dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday, kadib markii ay dileen marxuum Sakariye Saciid, ciidamada Puntland ayaa tagay goobta uu dilka ka dhacay, warar hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in dilka marxuumka ay la xiriirto aano qabiil walow aan si dhaba loo ogeyn sababta ka dambaysay dilka Jamaal.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this