Sign in to follow this  
Deeq A.

Haddii Madaxweyne Biixi ka Tanaasulay Gudoomiyenimada Kulmiye ma shirweyne ayuu isugu yeedhayaa lagu doorto Mise Sida xeerka Xisbigu dhigayo ayaa loo Marayaa?

Recommended Posts

Deeq A.   

Haddii Madaxweyne Biixi ka Tanaasulay Gudoomiyenimada Kulmiye ma shirweyne ayuu isugu yeedhayaa lagu doorto Mise Sida xeerka Xisbigu dhigayo ayaa loo Marayaa?

sitaar.jpg
Gudoomiyaha xisbiga #Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa la doortay markii 2aad October 2020 oo teeramkiisaasina uu kaga eeg yahay October 2025.
Haddaba haddii Madaxweynuhu ka tanaasulayo xilkiisa ka hor muddo xileedkiisa warqada is casilaada ayuu hogaanka xisbiga u gudbinayaa waxaana Xilka Gudoomiyenimada si ku meel gaadh ah u qabanaya Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Xisbiga oo Gaadhsiinaya Shirweynaha xisbiga taas oo Gudoomiye Rasmi ah lagu dooran doono. Sidii Gudoomiyaha Hadda ee Xisbiguba kursiga ku yimi September 2010kii oo Shirweynihii Xisbiga ee Caadiga ahaana uu dhacay 2014 si Rasmiya Gudoomiye markale loogu doortay.
Haddaba waxa aan sharciga iyo nidaamka Asxaabtaba aan waafaqsanayn in Gudoomiyuhu isagoo is casilaya haddana qabto shirweyne uu cid kale ku cimaamadayo oo taasi aanay dimuqraadiyada iyo maamulka meelna kaga jirin.
Gudoomiyaha Xisbiga haddii Madaxweynuhu doonayo in qof doorasho galay uu ku wareejiyo 2025 ha la sugo haddii kale Gudoomiye kuxigeenka sabab loogala ordaa sharci ma aha
Gari waa gar
May be an image of 5 people and text

Samataliye Cabdisitaar Dubad

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this