Sign in to follow this  
Deeq A.

Guuddoonka Labada Aqal oo La Kulmay Guddigii Doorashada Madaxweynaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa kulan la yeeshay guddigii doorashooyinka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa ugu mahadceliyay guddiga sidii ay u hirgaliyeen jadwalkii doorashada Isla markaana u maamuleen doorashadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  oo uu kusoo baxay madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo 15-kii bisha Muqdisho lagu doortay.

Guddiga isku dafka ah ee kasocday labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda ayaa qabtay doorashada madaxweynaha, waxaana ku tartamay xilka 30 iyo dhowr musharrax, waxaana wareegii dambe isla gaaray madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xasan Shiikh Maxamuud oo la doortay.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this