Sign in to follow this  
Kulmiye

Samsam and Folk-Tale Part II

Recommended Posts

Kulmiye   

Baxsane:

Bismilahi waa erey

Hadal lagu bilaabo

lagu bariidiyo aqoonta

ama dhiiringelin walalnimo

adna sida bilicda roobkiyo

badhtamaha madheedhkiyo

Baxsaneey Hargeysan

Ka soo bidhaanshe

dhanka bariga hawdkiyo

Baxsan ma isku aragteen?

 

Samsam:

"Biloow bisinbkaa u wayn

Aqoon barasha ka weyn"

Baxsanoow ku eegoo

Beerkay aada ku wayn

Mar intaan waagu blig odhan

Maad timaadid baradii jaceylka

Iyo beledkii qurxoona

Ama beeraha canabku

Isi-sudhay caleemaha

Deegaanka barwaaqada

Intaan dhigano gogal laseexdiyo

Badda ma is ag taagna?

 

Baxsane:

dhulkoo meel barwaaqa ah

oon laheyn bad iyo wabi

dhirtu ay ku badan tahey

beryo laydhsi loo tago

buurta gacan libaax

ku yaal beydka raaxada

makusoo baraayoo

bariba ma isu raacnaa

xiisuhu ma ba'ayee

hadaad bixi adoon bogan

jaceyl be nabadee

makusii balamiyaa

 

Samsam

Kaa waaban maayo

Afka ruux gar-waaqiyo

Waan kuu ogsoonahay

Waxad aniga ii tahay

Haddii aan gadaal

gashaanka fiirsado

Sabo lagu negaadiyo

inaan geyno aayaha

oo nugaal u badheedhno

sama-falka Aadan iyo Xaawa

 

By: Kulmiye

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this