Sign in to follow this  
AYOUB

Dhallinyaro - Yuusuf X Aadan Cilmi Qabille

Recommended Posts

AYOUB   

It's 3 years since the old man passed away (AUN) and this book (a bio by his daughter) has some of the wonderful poetry he left behind and what inspired them.

 

test.gif

 

This one was intended for young Somali men in 1950s Cardif but it's even more appropriate for the young guns of today.

 

 

Dhallinyaro

 

Dhalinyaro intaad taa aduun dhaqasho yeeshaaye

Marhaday cirradu kugu dhigto oo madaxa dhoobayso

Oo dhabarku duubmo oo xaglaha socodku dhiiceeyo

Oo ay ilkuhu kaa dhacaan xooggu dhaqayawye

Dhaxdin hadaad ku tahay meel habeen dhoof u saro jooga

Dantaadaa la dhawrtaaye wax kale looma dheelmado e

Dhaaxe e sidii la ii warramay waad is dhigateene

Dhamacadaa dabka ah iyo shooladaha dhiiga kala hoorsha

Dhibta lacagta lagu soo helee dhiigga lagu daadshay

Waa dhoy la’aan maanta ood dumar u dhiibtaane

Waar waa dhuuni doon naagahaa idin dhaweeyaaye

Hadba jeebku tuu dhiman yahaa timid dhexdiinaase

Afka dhiig la moodiyo wajiga dheeha lagu duugay

Dhab kama aha"my darling" iyo dhoosha qaawaniye

Hadba dhaxanta waxa kaa cesha iyo dharabka mooyaane

Dharkan qaaliga ahi maanta waa idinku dheeraade

Dhaxalkiina siday leeyihiin dhace aduunkiiye

Dhashiina iyo xoogii marbay wada dhamaysteene

Dhullkiinii ilawdiyo dadkii aad ka dhalateene

Waar waa laydin dhawrayaa sidii dhamac kaliileede

Dhabaday istaagaan sidii dhaan la raagsadaye.

 

Dhallinyaro ~ 1951 Yuusuf X Aadan Cilmi Qabille

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this