Sign in to follow this  
Deeq A.

Laba dal oo saameyn ku leh Soomaaliya oo weli aan ka hadlin doorashada Xasan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii madaxweynaha dalka loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud waxaa isa-soo tarayay Dalalka iyo Ururada Caalamiga ah ee sida weyn u soo hambalyeynaya madaxweynaha cusub.

Waxaa sidoo kale jira wadamo aan illaa hadda ka hadlin natiijada doorashada, islamarkaana dhambaal hambalyo ahna usoo dirin madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, waxaana kamid ah Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo ayagu sida la fahamsan yahay saameyn ku leh siyaasadda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa doorashadii xalay kusoo baxay 214 cod, halka murashaxa la tartamayay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu helay 110 cod.

Tan iyo markaas waxaa iska soo daba dhacayay hambalyada madaxweynaha cusub ay usoo dirayeen dalalka iyo ururada caalamiga ah, kuwaasi oo ay kamid yihiin UK, Jabuuti, Jarmalka iyo Itoobiya.

Sidoo kale shacabka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa isugu soo baxay waddooyinka, waxaana dhacayey rasaas si loogu dabaal dego natiijada doorashada oo lagu dhowaaqay saqdhexe.

Xasan Sheekh ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee mar labaad ku soo noqday xukunka dalka, wuxuuna xilka kala wareegayaa Farmaajo oo horay uu xukunka ugu wareejiyey shan sano ka hor, sanadkii 2017-kii.

Doorashadaan oo soo bilaabatay shalay duhurkii ayaa lagu kala baxay saqdii dhexe ee xalay, waxaana sidaas ku soo xirmay todobaadkaan jiitankii dheeraa ee doorashada Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo horay ugu guuleystay in dowladii uu hoggaaminayey ay rasmi noqoto oo KMG ka baxdo burburkii kadib, wuxuu markale noqday Madaxeynaha 10-aad ee Soomaaliya, waxaana horyaalla howlo badan oo muhiim ah.

The post Laba dal oo saameyn ku leh Soomaaliya oo weli aan ka hadlin doorashada Xasan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this